Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay shakhsiyaad ku eedaysan dil xalay ka dhacay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1754911351136.jpg?resize=1000%2C6

Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo warbixin soo saaray ayaa xaqiijiyay in ay qabteen shakhsiyaad ku eedaysan dil xalay ka dhacay magaalada Garoowe, islamarkaana baaritaan rasmi ah bilaabeen.

“Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Nugaal, ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah tan iyo markii xalay (August 10, 2025, abaaro 18:35 Makhribnimo) uu dhacay fal dil ah oo ka dhacay aagga Naaso Hablood ee magaalada Garoowe.”

“Falkan ayaa sababay geerida Khadar Cabdi Yuusuf Nuur (Ina Caasho Sulub), oo 25 jir ahaa, isla markaana ahaa darawal mooto-bajaaj. Sida ay sheegayaan warbixinada hordhaca ah ee booliska, marxuumka waxaa dilay koox burcad ah oo ku hubaysnayd toorey, kuwaas oo falka kadib goobta ka baxsaday” ayuu warbixintiisa ku sheegay Booliska Puntland.

“Ciidanka booliska ayaa markiiba gaaray goobta, waxayna ku guuleysteen in ay soo qabtaan dad lagu tuhmayo kiiskan. Waxaa socda baaritaan rasmi ah, waxaana boolisku caddeeyeen in faahfaahinta dhabta ah laga war sugi doono inta hawlgalka baarista uu socdo” ayuu sii raaciyay Booliska Puntland.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay ka go’an tahay ilaalinta amniga muwaadiniinta, qabashada eedeysanayaasha dambiyada, iyo in si degdeg ah loo horkeeno sharciga cid kasta oo ku lug leh falal amni-darro ah.

PUNTLAND POST

The post Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay shakhsiyaad ku eedaysan dil xalay ka dhacay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this