Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Kuwait oo maanta kala saxiixday dhawr heshiis oo ku saabsan dhinaca Iskaashiga

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1755014022254.jpg?resize=1000%2C5

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kuwait ayaa maanta oo talaado ah kula kula kulmay Caasimadda Kuwait, dhiggiisa, Wasiirka arrimaha Dibadda dowladda Kuwait mudane Cabdullaahi Cali Cabdullaahi Al-Yahya.

Intii lagu guda-jiray kulanka, waxaa labada wasiir ay ka wada hadleen xiriirka xooggan ee ka dhexeeya labada dal waxa ayna ay isla qaadaa-dhigeen siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, iyaga oo is-dhaafsaday aragtiyo ku aaddan xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami.

Kulanka kadib, waxaa la kala saxiixday dhowr heshiis iyo is-afgarad, taasi oo caddayn u ah sida ay labada dal uga go’an tahay qoto-dheereynta iskaashiga.

Is-afgaradyada la saxiixay waxaa ka mid ah, unkidda guddi wadaag ah oo dardargeliya iskaashiga labo dhinaclaha, heshiis ku saabsan wadatashiyada labo geesoodka iyo is-afgarad iskaashi oo u dhexeeya Machadka Diblomaasiyadda Saud Al-Nasser Al-Sabah ee Dowladda Kuweyt iyo Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Kuwait oo maanta kala saxiixday dhawr heshiis oo ku saabsan dhinaca Iskaashiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this