Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo oo maalintii labaad u xiran ciidamo mushaar la’aan ka gadoodsan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1683014880736.jpg?resize=720%2C48

Laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa maalintii labaad u xiran ciidamo ka tirsan Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan.

Ciidankan gadoodsan oo shalay wadada ka xirtay degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa joojiyay guud ahaan isu socodka gaadiidka ee laamiga Garoowe iyo Gaalkacyo, halkaasi oo ay maalintii labaad ku xanniban yihiin gaadiid badan oo xamuul ah, kuwaasi oo rar ka soo qaaday magaalada Boosaaso.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka gadoodsan ayaa laga soo xigtay in ay mushaar la’aan yihiin mudda dhawr bilood ah, islamarkaana waxay dalbanayaan in sida ugu dhakhsaha badan loo siiyo xuquuqda ka maqan, si ay u fasaxaan wadada, balse weli ma jirti cid xallisay tabashadooda.

Warkan ayaa imaanaya maalin kaddib markii ciidan ka tirsan Booliska Puntland oo mushaar la’aan ka gadoodsan xirteen wadada gasha garoonka diyaaradaha caasimadda Garoowe, inkastoo markii danbe lagu guulaystay in ay jidka furaan, kaddib markii ballan-qaadyo loo sameeyay.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo oo maalintii labaad u xiran ciidamo mushaar la’aan ka gadoodsan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this