Deeq A. Posted Monday at 05:02 PM Xaaladda dhabta ah ee Villa Soomaaliya Isniin 11Aug 2025. Madaxweyne Xasan Shiikh,waxaa haysta caqabado waaweyn oo ay adag tahay in uu ka dabaasho 1- Waa cadaadiska BC oo ay ugu danbaysay Maraykanka iyo Ingiriiska oo ku yiri Maalmo ka hor 10- ka Bisha,waa in la gaaraa heshiis. 2.Waa mudo xileedkiisii oo sii gabaabsiya. 3.Waa Siyaasiyiinta Madasha ku bahoobay oo ku dhagan ka tanaasul Dastuurka oo ku laabo kii saxda ahaa. 4.Waa Siyaasiyiintan oo hadii uu taasi ka diido oo wada hadalku fashilmo Garoowe ka dagaya. 5.Haddii uu ku laabto Dastuurkii hore waxaa Gacantiisa ka baxaya Xildhibaano door ah iyo Sadexda DG oo kula socday wax ka badalka Dastuurka. 6. Mooshinka Rw Xamse laga keenay awood ayuu yeeshay waxaana hor boodayaan Ragii garbihiisa ahaa oo uu ku jiro Guddoomiye Aadan Madoobe oo raba in MW Xasan ku taageero in la badalo M weynaha KG Lafta-gareen 7.Waa Itoobiya iyo Kenya oo ka raaceen MW Axmed madoobe kana shaqaynayaan in G Gedo Gacanta JL la wada geliyo. 8.Waa Deni,Axmed iyo Farmaajo oo u heshiiyay oo banaanka ku sugaya isr eebreebka kadib. MW Xasan 48- saac,ayuu qabsaday Maanta,waase sugaynaa jihaduu aado. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites