Sign in to follow this  
Deeq A.

DOWLAD shisheeye oo la sheegay in ay taageereyso dagaallada cusub ee Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Al-Shabab-Al-Shabaab.jpeg

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa quwado shisheeye oo aan la magacaabin ku eedeeyay inay taageero toos ah siinayaan ururka Al-Shabaab, taasoo qayb ka ah qorshe ay ku doonayaan inay ku khal-khalgeliyaan amniga dalka kuna qabsadaan.

Isagoo Sabtidii ka hadlayay shir jaraa’id kadib markii ay ciidamada dowladdu dib ula wareegeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayuu Fiqi sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay fashilinta qorshayaashaas.

“Si cad ayaan u ognahay in dowlad shisheeye ay taageerayso kooxda Al-Shabaab si ay ula wareegto gacan ku haynta dalka, balse nasiib wanaag, dowladda Soomaaliya way ku guuleysatay inay ka hortagto arrintaas,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Fiqi ma uusan magacaabin dalka uu ku andacoonayo inuu ka dambeeyo taageeradaas, balse hadalkiisa ayaa imaanaya xilli ay soo baxayeen warbixinno sheegaya inuu jiro iskaashi dhex mari kara Al-Shabaab iyo fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaasoo xulufo la ah Iiraan.

Wasiirka Difaaca wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal weyn ku bixisay ka hortagga faragelinta shisheeye iyo maalgelinta kooxaha xagjirka ah. Wuxuuna guulihii u dambeeyay ee ciidamada ku tilmaamay “guul weyn” oo laga gaaray ilaalinta madax-bannaanida qaranka.

Wasiirku wuxuu ballanqaaday in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay sii wadi doonaan la dagaallanka kooxaha argagixisada ah iyo cid kasta oo taageerta, si loo sugo amniga iyo xasiloonida qaranka.

Wasaaradda Difaaca ayaa Jimcihii sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanayay Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ee ka tirsan Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ay hawlgal toddobaad socday oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen in ka badan 100 dagaalame oo Al-Shabaab ka tirsan, ayna soo qabteen tiro kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this