Sign in to follow this  
Deeq A.

Qiimaha adeegyada Internet-ka iyo ku hadalku waxa ay ahaan doonaan sidoodii hore Madaxweyne Cirro

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1752578163430-300x281.jpg

Anniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan ummaddayda ku wargelinayaa in Xukuumadda iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta ee dalka ay isla garteen in la hakiyo go’aankii dhawaan lagu kordhiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta, go’aankan oo ay shirkaduhu hore ugu dhawaaqeen.

Qiimaha adeegyadu waxa ay ahaan doonaan sidii hore, ilaa amar dambe, iyada oo Xukuumaddu si degdeg ah wada-hadallo arrintan la xidhiidha ula yeelan doonto shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this