Deeq A. Posted Saturday at 11:00 AM Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay inuu darsayo qorshe ay suurtagal ku tahay in jamhuuriyadda gooni-isu-taagga ah ee Somaliland ay ku qaabisho Falastiiniyiin ka barakacay Marinka Gaza, kaasi oo shuruud ay uga dhigtay in Mareykanku uu aqoonsi rasmi ah siiyo Somaliland. In kasta oo Trump uu xaqiijiyay in la eegayo arrinta Somaliland iyo Gaza, haddana kama uusan hadlin qodobka xasaasiga ah ee diblomaasiyadeed ee aqoonsiga, kaasoo gebi ahaanba beddeli lahaa wejiga siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka ee Geeska Afrika, ee soo jirtay tobannaan sano. “Arrintaas hadda waan eegaynaa,” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad. “Dhab ahaantii waa su’aal wanaagsan, waana arrin kale oo cakiran, sidaad la socotaan. Laakiin hadda waan ka shaqeyneynaa arrintaas – Somaliland.” Shirkad Mareykan ah oo qaabeysay qorshaha Hadalladan Madaxweynaha ayaa daba socday warbixin uu wargeyska Financial Times daabacay Khamiistii, taasoo daaha ka qaadday in Boston Consulting Group (BCG), oo ah shirkad weyn oo la-talin ah oo fadhigeedu yahay Mareykanka, ay dejisay qorshe Falastiiniyiinta looga rarayo Gaza loona gaynayo Soomaaliya iyo jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Sida lagu sheegay warbixinta, la-taliyeyaasha BCG waxay qorshahan u dejiyeen koox ganacsato Israa’iiliyiin ah oo diyaarinayay qorshayaal ku aaddan dib-u-dhiska Gaza kaddib dagaalka Xamaas. Shaqadaas ayaa la sheegay inay ku jireen dokumiintiyo soo bandhigid ah oo lagu saadaaliyay in 25 boqolkiiba dadka reer Gaza ay doonayaan inay ka guuraan Marinka, aqlabiyaddooduna aysan dooneyn inay ku soo laabtaan. “Marka la aqbalo dadka reer Gaza ee si ku-meelgaar ah oo iskood ah u guuraya, waddanku wuxuu helayaa dad ku soo kordha oo keeni kara faa’iido dhaqaale oo si cad u weynaan karta,” ayuu qof xog-ogaal u ah shaqadan u sheegay wargeyska Financial Times. Ilo-wareedku wuxuu caddeeyay in waddamada qorshaha lagu daray aan lagu xulan wada-hadallo diblomaasiyadeed oo gaar ah, balse loo xushay si loo lafaguro fursadaha dhaqaale ee iman kara, kuwaas oo uu Trump horey u soo hadal qaaday. Wargeyska Financial Times wuxuu sidoo kale xusay in BCG ay gacan ka geysatay aasaaska hay’adda muranka dhalisay ee Gaza Humanitarian Foundation, oo ay taageeraan Mareykanka iyo Israa’iil, taasoo maamusha goobaha gargaarka lagu qaybiyo ee deegaankaas ku yaal. Bishii Maarso, wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in aysan jirin “wax wada-hadal ah oo lala yeeshay cidna oo ku saabsan Falastiiniyiinta” la soo barakicinayo. Dadaal socday tobannaan sano Somaliland, oo ahayd maxmiyad Ingiriis, ayaa sheegtay in ay madaxbannaani ka qaadatay Soomaaliya inteedii kale sanadkii 1991-kii, kaddib burburkii dowladdii Siyaad Barre. In ka badan 30 sano, waxay dhisatay dowlad iyo ciidan u gaar ah, iyadoo sumcad ku yeelatay xasillooni ka dhex jirta gobol gacan ka hadal badan. In kasta oo ay taasi jirto, ilaa hadda ma jiro hal waddan oo si rasmi ah u aqoonsaday Somaliland. Beesha caalamka, oo uu Mareykanku ka mid yahay, waxay taariikh ahaan ku adkaysanaysay siyaasadda ‘Hal Soomaali’. Goobta istiraatiijiga ah ee ay Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed ayaa kordhisay muhiimaddeeda, waxaana arrintaas sii xoojiyay heshiiskii muranka dhaliyay ee dekedda ee ay dhawaan la gashay dalka aan badda lahayn ee Itoobiya. Dowladda Somaliland, helitaanka aqoonsiga Mareykanka ayaa u ah himilada diblomaasiyadeed ee ugu sarreysa. Qaybta qorshahan ee la xiriirta Gaza waxay ku lug leedahay suurtagalnimada barakicin ballaaran oo lagu sameeyo Falastiiniyiinta, taasoo ah fikrad durba cambaareyn caalami ah la kulantay. Deegaankaasi wuxuu hadda la daalaa dhacayaa colaad ba’an iyo dhibaato bini’aadannimo oo daran, iyadoo inta badan 2.3 milyan ee qof ee ku nool ay ku barakaceen gudaha. Xiisaha uu Trump u qabo dib-u-eegista qorshahani waxay daba socotaa hadallo uu horay u jeediyay oo soo jeedinayay in Gaza la faaruqiyo si loo horumariyo. Bishii Febraayo, wuxuu muujiyay rabitaan ah in Falastiiniyiinta laga saaro si dhulkaas loogu beddelo ‘Riviera-da Bariga Dhexe.’ Mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa si isdaba joog ah u diiday waxa ay u arkaan isku dayo lagu doonayo in lagu qasbo ‘Naqba-dii labaad,’ taasoo tixraac u ah barakicintii boqollaalka kun ee Falastiiniyiin ee sanadkii 1948-kii. Sharciga caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga Afraad ee Geneva (Fourth Geneva Convention), ayaa mamnuucaya in si qasab ah dadka looga raro dhulalka la haysto. Share this post Link to post Share on other sites