Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo soo saartay hanjabaad cusub oo yaab leh oo ku saabsan helista bad

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Abiy-1.jpg

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Xisbiga talada haya ee Itoobiya ayaa soo cusboonaysiiyay ololihiisii gardarrada ahaa ee uu ku doonayay marin-badeed, isagoo ku dhawaaqay in raadinta dekad ku taalla Badda Cas ay tahay “xaq taariikhi ah” oo aan gorgortan geli karin, isla markaana ku dhaartay inuu ciribtiri doono wax kasta oo uu u arko xoogag gudaha ah oo “khaa’inul-waddan” ah.

Hadalladan colaadda xanbaarsan, oo la soo saaray Jimcihii, ayaa muujinaya khatar sii kordhaysa oo ku saabsan siyaasadda ballaarinta ee Addis Ababa, taas oo si toos ah u beegsanaysa madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Ka dib shirweyne saddex maalmood socday, Xisbiga Barwaaqo ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa soo saaray bayaan ay ka buuxaan hadallo hanjabaad leh, taas oo xaqiijinaysa cabsi hore loo qabay oo ah in Itoobiya ay qorshaynayso inay sii waddo heshiiskii sharci-darrada ahaa ee ay bishii Janaayo 2024 la gashay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Xiisaddan taagan ayaa billaabatay 1-dii Janaayo 2024, markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu heshiis is-afgarad oo sir ah (Memorandum of Understanding) la saxiixday Muuse Biixi Cabdi, madaxeynihii hore ee maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya. Heshiiskan sharci-darrada ah wuxuu Itoobiya oo aan lahayn bad siinayay kiro 50 sano ah oo ku saabsan 20 kiiloomitir oo xeebaha Soomaaliya ka mid ah, si ay uga dhisto saldhig ciidan badeed iyo deked ganacsi.

Beddelka xadgudubkan cad ee lagu sameeyay madaxbannaanida Soomaaliya, Itoobiya waxay ballan qaaday saami ku saabsan shirkaddeeda diyaaradaha qaranka, iyo—arrinta ugu walaaca badan—in ay diyaar u tahay inay aqoonsi rasmi ah siiso Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

Wxaaa hadda muhiim ah fahamka bayaannadii ugu dambeeyay ee Itoobiya. “Waxaan ku guuleysannay inaan ajande caalami ah ka dhigno xuquuqda dabiiciga ah ee taariikhiga ah ee Itoobiya u leedahay helitaanka bad,” ayaa lagu yiri bayaanka xisbiga, iyadoo lagu daray in ay “ka gudbeen cutubkii koowaad ee dadaalkeenna aan ku soo celinayno danaha istiraatiijiyadeed ee juqraafiyeed ee Itoobiya ku leedahay Badda Cas.”

Hadalladan waa hanjabaad cad oo ku wajahan Soomaaliya, waxayna dib u xaqiijinayaan damaca Itoobiya ee ah inay xoog ku qabsato dhul xeebeed, iyadoo ku tumanaysa sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Iyadoo la tacaalaysa qalalaase gudaha ah oo ballaaran, Addis Ababa waxay isku dayaysaa inay muujiso awood, iyadoo adeegsanaysa marmarsiiyo ay ku hurinayso colaad dibadeed. Bayaanka xisbiga talada haya wuxuu ku andacoonayaa in “cadowyo taariikhi ah” iyo “xagjiriin khaa’imiin ah” ay ka shaqeynayaan sidii ay dalka u gelin lahaayeen xasilooni darro—marmarsiiyo la yaqaan oo loo adeegsado tallaabooyin milatari.

“Damaca dagaal ee cadowgeennu ma istaagi doono,” ayaa lagu yiri bayaanka, isagoo sheegay in “fursaddii ay ku wiiqi lahaayeen Itoobiya ay sii yaraanayso.”

Aragtidan waxay sawir ka bixinaysaa nidaam dareensan in dhinac walba laga hareereeyay, taas oo inta badan horudhac u ah gardarro dibadeed oo loogu talagalay in lagu kiciyo taageerada gudaha. Bayaanku wuxuu xusay lix xeeladood oo lagu eedeeyay in cadowgu adeegsado, kuwaas oo ay ka mid yihiin kharribaad dhaqaale iyo ka faa’iidaysiga meelaha bannaan ee maamulka, isagoo sii gogol-xaaraya jawaab celin xoog leh oo laga bixinayo cid kasta oo loo arko mucaarad.

Fallanqeeyayaasha waxay sheegeen in hanjabaadahan lagu wajahayo kooxaha hubeysan sida maleeshiyada Fano iyo Jabhadda Xoreynta Oromada (OLF-Shene). Si kastaba ha ahaatee, marka loo eego Soomaaliya, mowqifkan gardarrada iyo ku dhawaaqista in “la baabi’in doono caqabadaha” wuxuu xusuusin u yahay sida Itoobiya ay diyaar ugu tahay adeegsiga awoodda si ay u gaarto danahaheeda istiraatiijiyadeed.

Xaaladda gobolka oo sii cakirmaysa, Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay dowladda federaalka ee Abiy Ahmed inay ku fashilantay hirgelinta heshiiskii nabadeed ee Pretoria, waxayna ka digtay xaalad bini’aadanimo oo sii xumaanaysa oo ka jirta waqooyiga dalka.

Shir jaraa’id oo uu qabtay 8-dii Agoosto, Guddoomiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, wuxuu sheegay in fashilka dowladda federaalka uu sababay barakac iyo dhimasho ku habsatay shacabka Tigray, isagoo ku eedeeyay inay “ka caga jiidayso soo celinta dhulalkii Tigray ee la qabsaday.”

Iska hor-imaadkan gudaha ah wuxuu muujinayaa dildilaaca qotada dheer ee ka dhex jira Itoobiya, taas oo ka dhigaysa hoggaankeeda mid aan la saadaalin karin oo khatar leh. Waxaa muhiim ah in la xuso in Debretsion uu isna ku celiyay rabitaanka gobolkiisa ee marin-badeed, isagoo sheegay in “aan la qiyaasi karin in Tigray dhinac walba laga soo xiro ama 360-digrii lagu hareereeyo.” Arrintan ayaa sii murjinaysa xaaladda amniga, waxayna muujinaysaa in dhinacyo kala duwan oo Itoobiya ka tirsan ay raadin karaan inay go’doonka kaga baxaan awood militari.

Soomaaliya ahaan, fariinta ka imaanaysa Addis Ababa waa mid cad: nidaam gudaha ah oo ay ka taagan tahay qalalaase ayaa haddana ku adkaysanaya sheegashadiisa sharci-darrada ah ee xeebaha dalal kale, taas oo abuuraysa khatar toos ah oo aan la iska indho tiri karin oo ku wajahan amniga qaran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this