Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeysay in uu qori dab leh ku dhejinayo Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1754567632102.jpg?resize=1000%2C7

Dowladda Jubaland oo ka warbixisay xiisadda ka taagan Gobolka Gedo ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeysay in uu Gobolkaasi ka hurinayo colaado daba dheeraadaa oo saamayn ku yeesha dalalka deriska ah iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Madaxtooyada Jubaland oo Warkan soo saartay ayaa sheegtay in Shirkii Golaha Wasiirada Jubaland ee maanta looga hadlay Xiisadda Colaadeed ee Taliska Madaxweyne Xasan Sheekh ka oogayo degaannada Gobolka Gedo ee ku teedsan xuduudka, taasi oo ay sheegtay in ay saamayn ku yeelan karto Ammaanka guud ee Geeska Afrika.

“Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xaaladda gobolka Gedo iyo qulqulatooyinka sii kordhaya ee ay hurinayaan Taliska eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo ujeedadoodu tahay in colaado daba dheeraada laga abuuro deegaanada xuduudka ku teedsan ee gobolka Gedo, taas oo saameyn ballaaran ku yeelan karta guud ahaan gobolka Geeska Afrika.”

“Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanka, iyadoo tilmaantay in qorshaha cusub ee Taliska Xasan Sheekh uu yahay in colaadaha uu ka hurinayo gobolka Gedo uu ku fidiyo dalalka dariska ah, arrintaas oo halis ku ah xasilloonida gobolka, kana dhalan karta cawaaqib aan dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed” ayuu u dhignaa Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland.

Warkan ayaa imaanaya, iyadoo maanta boqollaal kamid ah Ciidamada Jubaland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ku ruqaansadeen degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan oo taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeysay in uu qori dab leh ku dhejinayo Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this