Sign in to follow this  
Deeq A.

Ingiriiska iyo Faransiiska oo ku heshiiyey is-dhaafsiga muhaajiriinta ku yimaada doonyaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay inay bilaabi doonto fulinta heshiis cusub oo dib loogu celinayo muhaajiriinta qaarkood ee ku yimaada doonyaha yaryar, maalmo gudahood, kaasi oo ah qeyb muhiim ah oo ka mid ah qorshaheeda lagu dhimayo socdaalka sharci darrada ah, kaddib marka la ansixiyo heshiiska salaasada.

Heshiiska cusub wuxuu dhigayaa in Faransiisku oggolaado inuu dib u qaato dadka aan sharciyeysnayn ee ku yimaada Ingiriiska doonyaha yaryar, iyada oo Britain-na ay oggolaatay inay aqbasho tiro la eg oo ah magangalyo-doon sharci ah oo leh xiriir qoys oo ka dhaxeeya iyaga iyo dad ku sugan Britain.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa bishii hore ku dhawaaqay qorshe tijaabo ah oo la yiraahdo “mid soo gala, mid baxa” oo la xiriira celinta muhaajiriinta.

In ka badan 25,000 qof ayaa illaa iyo hadda sanadka 2025 ku yimid Britain iyagoo adeegsanaya doonyo yaryar, waxaana Starmer ballanqaaday inuu joojin doono kooxaha tahriibinta si uu hoos ugu dhigo tirada dadka imanaya.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaa gudaha England ka dhacay mudaaharaadyo dhowr ah oo ku saabsan hoteelada lagu hoysiiyo magangalyo-doonka ku yimid doonyaha yaryar. Mudaaharaadyadaas waxaa ka qayb galay kooxo kasoo horjeeda muhaajiriinta iyo kuwo taageersanba.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this