Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump Wuxuu Rabaa Heshiis Halka Vladimir Putin uu Rabo Guul

Recommended Posts

Deeq A.   

Tareenka Putin, wuxuu u socdaa si xawli ah isagoo wata waxa loo yaqaan “Hawlgalka Milatari ee Gaarka ah”: dagaalka Ruushka ee Ukraine. Hoggaamiyaha Kremlin-ka uma muuqdo mid doonaya inuu joojiyo colaadda ama uu ku dhawaaqo xabad joojin rasmi ah oo muddo dheer socota.

Trump ayaa sare u qaaday cadaadiska Moscow, isagoo soo saaray go’aan kama dambeys ah, wuxuu ku hanjabay cunaqabatayn cusub, wuxuuna bartilmaameedsanayaa saaxiibada ganacsiga ee Ruushka sida Hindiya iyo Shiinaha.

Dhanka kale, “tareenka Trump” ayaa dardargelinayay dadaallada lagu cadaadinayo Moscow inay joojiso dagaalka: isagoo ku dhawaaqaya waqtiyo kama dambeys ah, hanjabaado, cunaqabateyno dheeraad ah oo laga saari doono Ruushka iyo canshuuraha culus ee lagu soo rogi doono la-hawlgalayaasha ganacsi ee Ruushka, sida Hindiya iyo Shiinaha.

Marka lagu daro dhammaan taas, waxaa jira laba markab-hoosaadyo nukliyeer oo Mareykanka ah oo Madaxweyne Trump sheegtay inuu u dhaqaajiyey meel u dhow Ruushka. Markaad ka soo tagto is dhaafsiga tareennada una gudubto maraakiibta Nukliyeerka, waxaad ogtahay in arrimuhu ay halis yihiin. Laakiin, taas macnaheedu ma yahay in Aqalka Cad uu runtii ku jiro “jidka isku dhaca” oo uu la leeyahay Kremlin-ka arrinta Ukraine?

Mise booqashada toddobaadkan ee ergayga gaarka ah ee Donald Trump, Steve Witkoff, ee Moscow waa calaamad muujineysa in inkastoo ay jiraan muuqaallo siyaasadeed oo adag, heshiis dhex mara Ruushka iyo Mareykanka oo lagu joojinayo dagaalka weli uu suurtagal yahay?

“Bilow diirran oo ku soo beegmay soo laabashada Trump” Toddobaadyadii ugu horreeyey ee muddo xileedka labaad ee Trump, Moscow iyo Washington waxay u muuqdeen kuwo si wanaagsan ugu socday inay dib u bilaabaan xidhiidhkooda laba geesoodka ah.

Ma jirin wax calaamad u muuqata isku dhac toos ah. Xaqiiqdii, mararka qaar waxay u muuqatay sidii Vladimir Putin iyo Donald Trump ay ku jiraan hal gaari, oo ku socda jihada isku mid ah. Bishii Febraayo, Mareykanku wuxuu dhinac istaagay Ruushka Qaramada Midoobay, isagoo ka soo horjeestay qaraar ay diyaariyeen Yurub oo cambaareeyay “gardarrada” Ruushka ee Ukraine.

Wicitaan telefoon oo labadan madaxweyne ay is dhaafsadeen bishaas ayaa looga hadlay booqasho midba midka kale dalalkooda. Waxay u muuqatay in shir heer sare ah oo u dhexeeya Putin iyo Trump uu dhici karo maalmo kasta. ,Mareykanku wuxuu taageeray Ruushka bishii Febraayo shirkii Qaramada Midoobay, isagoo ka codeeyay qaraar ay soo diyaariyeen waddamada Yurub oo cambaareynayay gardarrada Ruushka ee Ukraine.

Dhanka kale, maamulka Trump wuxuu cadaadis saarayay Kyiv, ma aha Moscow, isaga oo dagaal siyaasadeed la gelayay saaxiibadii dhaqanka u ahaa Mareykanka sida Kanada iyo Denmark. Khudbadaha iyo wareysiyada telefishinka, saraakiil Mareykan ah ayaa si kulul u dhaleeceeyay NATO iyo hoggaamiyeyaasha Yurub.

Dhammaan arrimahaan waxay ahaayeen “muusig dhegaha Kremlin-ka ka farxiyay.” “Maraykanku wuxuu hadda wax badan la wadaagaa Ruushka marka loo eego waxa uu la wadaago Brussels ama Kyiv,” ayuu yidhi khabiirka siyaasadda ee Konstantin Blokhin oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Amniga ee Akadeemiyada Cilmiga ee Ruushka, mar uu la hadlayey wargeyska Izvestia bishii Maarso.

Bishii xigtay, isla wargeyskaasi wuxuu si farxad leh u qoray:

“Trumpist-yadu waa kacdoonayaal. Waa burburiye-yaasha nidaamka. Waxaa kaliya lagu taageeri karaa arrintaas. Midnimadii Reer Galbeedka ma jirto intaas wixii ka dambeeya. Xagga juquraafiyeed ahaan, waa iskaashi aan jirin. Trumpism-ku wuxuu si kalsooni leh oo degdeg ah u dumiyay is-afgaradkii Transatlantic.”

Steve Witkoff, ayaa afar jeer booqday Ruushka muddo labo bilood gudahood ah, isagoo saacado badan wadahadallo gaar ah la yeeshay Madaxweyne Putin.

Dhanka kale, ergayga Donald Trump, Steve Witkoff, ayaa si joogta u booqday Ruushka. Wuxuu afar jeer u safray Moscow wax ka yar laba bilood gudahood, isagoo wadahadallo saacado qaatay la yeeshay Vladimir Putin. ka dib mid ka mida kulamadaas hoggaamiyaha Kremilinka ayaa guddoonsiiyey isaga sawirka Trump si uu geeyo Aqalka Cad.

Warar ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu si cad uga helay hadiyaddaas, isagoo lagu tilmaamay inuu ahaa “mid si qoto dheer u taabtay.” Laakiin Madaxweyne Trump ma aanay dooneyn oo kaliya sawir. Wuxuu ka rabay Madaxweyne Putin inuu saxiixo xabbad-joojin dhamaystiran oo aan shuruudo lahayn oo lagu joojinayo dagaalka Ukraine.

Niyad-jabka sii kordhaya ee Trump

Kalsoonida ah in Ruushku hayo hindisaha hadda goobta dagaalka, Vladimir Putin wuu ka gaabsaday inuu joojiyo dagaalka, inkastoo uu ku andacoonayo in Moscow ay ka go’an tahay xal dublamaasiyadeed. Taasi waa sababta uu Donald Trump u muujiyay niyad-jab sii kordhaya oo ka dhan ah Kremlin-ka. Toddobaadyadii u dambeeyay, Trump wuxuu si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Ruushka ku hayo magaalooyinka Ukraine, oo ku tilmaamay “wax laga yaqyaqsoodo”, “wax laga xumaado” wuxuuna ku eedeeyay madaxweyne Putin inuu “caayo badan” ku sheegay Ukraine.

Labada nin ayaa ku kulmay oo si qoto dheer uga hadlay magaalada Helsinki 2018 laakiin xidhiidhkoodu hadda wuu xun yahay Bishii la soo dhaafay, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay waqti kama dambeys ah oo 50 maalmood ah oo uu siiyay Madaxweyne Putin si uu dagaalka u joojiyo, isagoo ku hanjabay cunaqabateyn iyo canshuuro. Wuxuu markii dambe hoos ugu dhigay muddo 10 maalmood ah. Waqtigii loo qabtay ayaa la filayaa inuu dhammaado dhamaadka toddobaadkan. Ilaa hadda, wax calaamad ah ma jirto oo muujinaysa in Vladimir Putin uu u jilciyay cadaadiska ka imaanaya Washington.

Haddana, su’aashu waxay tahay: Vladimir Putin ma dareemayaa cadaadis dhab ah?

“Nasiib darro, maadaama Donald Trump uu waqtiyada kama dambaysta ah marar badan beddelay oo uu dhinac walba u leexday, ma aaminsani in Putin uu si dhab ah u qaadanayo,” ayay tiri Nina Khrushcheva, oo ah borofaysar ka tirsan culuumta arrimaha caalamiga ah ee jaamacadda The New School ee ma Trump ayaa si fagaare ah ugu yeeray duqaymaha Ruusha ee Ukriane kuwa “laga yaqyaqsado” “oo laga xumaado”

“Putin wuu dagaalami doonaa intuu awoodo – ama ilaa Ukraine ay tiraahdo, ‘Waan daalnay, diyaar baan u nahay inaan aqbalno shuruudahaaga.’ Waxaan aaminsanahay in Putin uu fadhiisto gudaha Kremlin-ka isagoo aaminsan inuu rumeynayo riyooyinkii boqorka Ruushka, iyo kadibna hoggaamiyeyaashii sida Joseph Stalin, isagoo doonaya inuu Reer Galbeedka tuso in aan Ruushka si xaqiraad ah loola dhaqmi karin.”

Heshiis weli waa suurtagal

Sawirka aan ilaa hadda sawiray waxa ay u ekaan kartaa in isku dhac fool-ka-fool ah oo dhexmara labada tareen ee Putin iyo Trump ay lama huraan tahay. Donald Trump wuxuu isu arkaa inuu yahay heshiis sameye weyn marka loo eego arrimaha, kama aanay qaanay inuu isku dayo inuu mid ka helo Vladimir Putin.

Steve Witkoff waxaa la filayaa inuu toddobaadkan dib ugu laabto Ruushka si uu wadahadallo ula yeesho hoggaamiyaha Kremlin-ka. Lama oga nooca dalab ee uu la imaan doono, laakiin qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ku sugan Moscow ayaa saadaalinaya in la filayo in la adeegsado dhiirrigelin iyo abaalmarinno ka badan cadaadis iyo hanjabaad. Waxaa si weyn loo arkay in Axaddii Madaxweyne Trump uu sheegay in Ruushku “u muuqdaan kuwo si fiican uga baxsada cunaqabateynta.”

Isniintii, Ivan Loshkarev, oo ah borofisar ku-xigeenka aragtida siyaasadda ee Jaamacadda MGIMO, Moscow, ayaa u sheegay Izvestia in si loo fududeeyo wada-hadallada, Mr Witkoff laga yaabo inuu soo bandhigo “dalabyo iskaashi oo faa’iido u lehRuushka, kaas oo furmi doona ka dib heshiiska Ukraine”. Miyay taasi ku filnaan kartaa in Kremlin-ka lagu qanciyo inuu nabad sameeyo ka dib saddex sano iyo bar oo dagaal ah?

Ma jiro dammaanad

Intaas oo dhan ka dib, ilaa hadda gudaha Ukraine Vladimir Putin kama aanay soo bixin dalabaadkiisa ugu sarreeya ee dhulalka, dhexdhexaadnimada Ukraine iyo xajmiga mustaqbalka ee ciidamada Ukraine.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this