Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda hawlaha guud: Shirkii Shaqaale Weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ee ….

Recommended Posts

Deeq A.   

𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗦𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗲 𝗪𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗛𝗮𝘄𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗘𝗲 𝗕𝗶𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗔𝗵𝗮𝗮 𝗔𝘆𝗮𝗮 𝗦𝗮𝗮𝗸𝗮 𝗞𝗮 𝗤𝗮𝗯𝘀𝗼𝗼𝗺𝗮𝘆 𝗫𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗲𝘅𝗲 𝗘𝗲 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮.

FB_IMG_1754568218350-200x300.jpg

FB_IMG_1754568257872-300x200.jpg

FB_IMG_1754568243939-300x200.jpg

FB_IMG_1754568236746-300x200.jpg

FB_IMG_1754568222980-300x200.jpg

FB_IMG_1754568226817-300x200.jpg

FB_IMG_1754568239853-300x200.jpg

FB_IMG_1754568261193-300x200.jpg

FB_IMG_1754568290988-200x300.jpg

FB_IMG_1754568277222-200x300.jpg

FB_IMG_1754568304345-200x300.jpg

FB_IMG_1754568271483-300x200.jpg

FB_IMG_1754568231745-200x300.jpg

FB_IMG_1754568212703-300x200.jpg

𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗛𝗮𝘄𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱” Shirkii Shaqaale Weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ee Bilaha Ahaa Ayaa Saaka Ka Qabsoomay Xarunta Dhexe Ee Wasaaradda.

Xarunta Wasaaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Waxa Saaka Ka Qabsoomay Shirkii Shaqaale Weynaha Wasaaradda Oo Uu Shir Gudoomiyey Agaasimaha Guud Ee Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Saleebaan Ibraahim Macamuud Oo Uu Weheliyo Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha Ee Wasaaradda Mr. Axmed Haybe Colijoog Iyo Agaasime Waaxeedad Wasaaradda Hawlaha Guud.

Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha Ee Wasaaradda Eng. Axmed Haybe Colijoog Ayaa Shaqaalaha Ku Wargaliyey In Qof Kasta Shaqooyinka Kala Duwan Ee Loo Dhiibay Isla Markaan Waaxda Uu Ka Tirsanyahay Uu Masuulka Uga Yahay Inuu Xil Gudahasho Sameeyo, Isla Markaana Kasoo Baxo Shaqo Kasta Oo Waaxda Uu Joogo Ugu Magacaabanyahay.

Gobogabadii Kulankan Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Saleebaan Ibraahim Macamuud Ayaa Shaqaalaha Ku Baraarujiyey Inuu Diyaar Loo Ahaado Mashaariicdii Bilaabata Imika Wixii Ka Danbeeya Ka Maamul Ahaan Ay Mudnaanta Siin Doonaan Shaqalaaha Fuliyey Saacadihii Shaqada Ee Ay Ahayd In Qaranka Loo Shaqeeyo, Shaqaale Kastaana Taas Uu Mudnaanta Ku Heleyo, Wuxuuna Shaqalaaha Faray In Qof Kastaa qof Shaqada Uu Wasaaradda Ka Hayo Iyo Booska Uu Ka Joogaba Shaqada Laga Rabo Uu Kasoo Baxo, Shaqadana Si Wadajira Oo Walaaltinimo Ah Loo Wada Shaqeeyo.

Gunaanadkii Shirkan Wasiirka Iyo Agaasimaha Guud Ayaa Ka Felceliyey Dhamaan Weydiimihii Ay Shaqaalahu Soo Jeediyeen.

𝗔𝗟𝗟𝗔𝗛 𝗠𝗔𝗛𝗔𝗗 𝗟𝗘𝗛

𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗹𝗮𝗮𝗵𝗶 𝗪𝗶𝗿𝗱𝗮𝗮𝗻𝗶
𝗔𝗴𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗜𝘀𝗴𝗮𝗮𝗱𝗵𝘀𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗜𝘆𝗼 𝗫𝗶𝗱𝗵𝗶𝗶𝗱𝗵𝗸𝗮 𝗗𝗮𝗱𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮

𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗

𝗪𝗶𝘅𝗶𝗶 𝗳𝗮𝗮𝗵𝗳𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻 𝗮𝗵, 𝗳𝗮𝗱𝗹𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿;
𝗫𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗪𝗮𝗿𝗯𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻𝘁𝗮,
𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗛𝗮𝘄𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱, 𝗗𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗜𝘆𝗼 𝗚𝘂𝗿𝘆𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗝𝗦𝗟.
𝗘-𝗺𝗮𝗶𝗹: 𝘅𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮𝘀𝗮𝘅𝗮𝗮𝗳𝗮𝗱𝗱𝗮@𝗴𝗺𝗮𝗶𝗹.𝗰𝗼𝗺
𝗜𝗻𝘀𝘁𝗮𝗴𝗿𝗮𝗺: 𝗵𝘁𝘁𝗽𝘀://𝘄𝘄𝘄.𝗶𝗻𝘀𝘁𝗮𝗴𝗿𝗮𝗺.𝗰𝗼𝗺/𝘄𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮_𝗵𝗮𝘄𝗹𝗮𝗵𝗮_𝗴𝘂𝘂𝗱_𝗷𝘀𝗹/
𝗙𝗮𝗰𝗲𝗯𝗼𝗼𝗸: 𝗵𝘁𝘁𝗽𝘀://𝘄𝘄𝘄.𝗳𝗮𝗰𝗲𝗯𝗼𝗼𝗸.𝗰𝗼𝗺/𝗛𝗮𝘄𝗹𝗮𝗵𝗮𝗴𝘂𝘂𝗱𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮𝗶𝘆𝗼𝗚𝘂𝗿𝘆𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮/
𝗧𝘄𝗶𝘁𝘁𝗲𝗿: 𝗵𝘁𝘁𝗽𝘀://𝘁𝘄𝗶𝘁𝘁𝗲𝗿.𝗰𝗼𝗺/𝗣𝘂𝗯𝗹𝗶𝗰𝗪𝗼𝗿𝗸𝘀𝗟𝗮𝗻𝗱
𝗬𝗼𝘂𝘁𝘂𝗯𝗲: 𝗵𝘁𝘁𝗽𝘀://𝘄𝘄𝘄.𝘆𝗼𝘂𝘁𝘂𝗯𝗲.𝗰𝗼𝗺/𝗳𝗲𝗲𝗱/𝗺𝘆_𝘃𝗶𝗱𝗲𝗼𝘀/
☎️ : 𝟵𝟱𝟱𝟵

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this