Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Midnimo Qaran iyo Hanaan Diblomaasiyadeed Muujisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo kuwo siyaasadeed oo lagu difaacayo madax-bannaanida dhuleed iyo ilaalinta xuduudaha dalka. Golaha Wasiirradu waxay si cad u digniin adag oo ku wajahan dawladda Muqdisho, taas oo si isdaba joog ah ugu kacday faragelin iyo hadallo aan masuuliyad ku dhisnayn oo ka dhan ah qarannimada JSL.

Intaa waxaa dheer, Golaha Wasiirradu waxay soo saareen baaq nabadeed iyo mid siyaasadeed oo caalami ah. Waxay carrabka ku adkeeyeen in Somaliland ay mar kasta diyaar u tahay inay khilaaf kasta ku wajahdo si nabad ah oo masuuliyadi ku dheehan tahay, taasoo muujinaysa biseylka siyaasadeed iyo aragtida qaranimo ee Somaliland.

Fadhigii aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada JSL yeeshay 02/July/2025, kaas oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa si adag loogu cambaareeyey faragelinta qaawan ee dawladda Muqdisho ka waddo deegaannada Bariga Sool iyo Sanaag. Waxay Golaha Wasiirradu sheegeen in tallaabooyinkaas ay yihiin kuwo ay dawladda taagta daran ee Muqdisho ay uga danleedashay hurin colaado qabyaaladaysan oo si toos ah loogu beegsanayo xasilloonida bulsho iyo tan siyaasadeed ee muddada dheer ka hanaqaadday Somaliland.

Fadhigaasi wuxuu noqday mid taariikhi ah, isla markaana muujiyey in dawladdu si dhab ah ugu taagan tahay difaaca madax-bannaanida dhuleed, siyaasadeed, iyo qaranimo ee Somaliland. Golaha Wasiirradu waxay si geesinimo ku muujiyeen go’aan cad iyo tallaabooyin muhiim ah oo diblomaasiyadeed oo lagu ilaaliyo madax-bannaanida dalka iyo xuduudihiisa.

Digniinta loo diray dawladda fadhiidka ah ee Muqdisho:

Digniinaha dhabta ah ee loo diray dawladda fadhiidka ah ee Muqdisho ayaa ah kuwo ku salaysan xaq oo waqtigeeda la gaadhay. Dawladdaas, oo aan xukumin dhulkeeda gaarka ah, haddana ku kacaysa sheegashooyin iyo faragelin baal marsan xeerarka caalamiga ah, waxaa la gudboon ka hor inta aanay Somaliland qaadin tallaabooyin cad cad oo lagaga jawaabayo in ay si degdeg ah u joojiso tallaabooyinkeeda carqaladeynta ah. Golaha Wasiirradu waxay si cad u muujiyeen in Somaliland aanay marnaba oggolaan doonin wax dhaawacaya jiritaankeeda qaranimo iyo xaqa ay u leedahay inay noqoto dal madax-bannaan.

Digniintan waxa ay sidoo kale ku wajahan tahay beesha caalamka, gaar ahaan ururrada IGAD, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, in aan la dayacin xaaladaha khatarta ah eek a dhalan kara damaca indho la’aanta ah ee dawladda Muqdisho, taas oo khatar ku ah xasilloonida gobolka.

Baaqyada Nabadeec iyo Siyaasadeed:

Dhinaca kale, baaq nabadeed iyo mid siyaasadeed oo ay Golaha Wasiirradu soo saareen ayaa markale adkeeyay in Somaliland ay mar kasta u taagan tahay nabad, is-faham iyo wada-hadal, balse aanay marnaba u dulqaadan doonin daandaansi siyaasadeed, ficillo hagardaamo ah, ama damacyo khatar ku ah xasilloonideeda. Tani waxay tusaale u tahay korniinka siyaasadeed ee Somaliland iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ku leedahay nabadda Geeska Afrika.

Gunaanadkii,

Golaha Wasiirrada Somaliland waxay muujiyeen midnimo qaran, karti, iyo go’aan siyaasadeed oo geesinimo leh. Tani waa caddayn buuxda oo muujinaysa in Somaliland ay tahay dal leh haykal dowladeed oo shaqaynaya, kuna dhisan aragti qaran-dhis ah oo salka ku haysa sharaf, xornimo, iyo mas’uuliyad. Waxaa lagama maarmaan ah in dhammaan hay’adaha dawladda, shacabka, iyo warbaahintu ay garab istaagaan go’aannadaasi, si loo ilaaliyo masiirka qaran iyo madax-bannaanida Somaliland.

Go’aanka Golaha Wasiirradu maaha kaliya fal-celin siyaasadeed; waa farriin cad oo difaac qaran ku dhisan. Somaliland ma aqbali doonto in lagu xadgudbo xuduudaheeda, madaxbannaanideeda, iyo rabitaanka shacabka oo si cad ugu doortay qaranimo.

Qore Axmed M. Saleebaan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this