Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ciidanka Jubaland oo dib isu soo abaabulay – Maxaa ka socda degmada Beledxaawo?

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada-Jubbaland-3.jpg

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan ciidanka Jubaland oo Arbacadii laga saaray Beledxaawo ay mar kale dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabeen duleedka magaaladaasi, gaar ahaan dhinaca Kenya.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in mar kale ay dib isku soo abaabuleen Daraawishta Jubaland, isla markaana ay haatan joogaan bannaanka degmada Beledxaawo, halkaas oo ay ka wadaan is uruursi ciidan iyo abaabul dagaal oo horleh.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada Jubaland ay heleen gurmadyo iyo sidoo kale taakulo ay siiyeen ciidamada Kenya, taas oo keentay inay dhaq-dhaqaaq cusub ka bilaabaan halkaasi.

Sidoo kale, waxaa lagu soo warramayaa in ciidanka Jubaland ay qorsheynayaan in mar kale ay soo weeraraan magaalada oo haatan ay si buuxda u maamulayaan ciidanka dowadda Soomaaliya, walow looga adkaaday dagaalladii horay uga dhacay halkaasi.

Xaaladda Beledxaawo aya hadda deggan, waxaana dib usoo laabtay shacabkii horay uga barakacay dagaaladii horay uga dhacay magaaladaas oo looga adkaaday ciidanka Jubaland.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale howlgallo amni xaqiijin ah iyo dadaallo dheeraad ah ka wada gudaha degmada, waxaana sidoo kale socda kulamo uu Janan la yeelanayo waxgaradka deegaanka iyo odayaasha, loogana hadlayo isbeddalka ka dhacay halkaasi.

Dhanka kale, waxaa weli  Xero UK ka degaya diyaaradaha dagaalka dowladda Soomaaliya, kuwaas oo shalay ay ugu dambeysay Beledxaawo ka soo qaaday dhaawacyo wax looga qaban waayey isbitaalka guud ee degmada, waxaana la keenay isbitaallada Muqdisho.

Beledxaawo ayaa marti gelisay dagaalo teelteel ah oo maalmo badan ka socday, labada dhinac ayaa maalin kasta dalbanayey gurmadyo is dabajoog ah, ugu dambeyntiina Jubaland ayaa laga adkaaday.

Si kastaba, Horay Jubaland waxay u sheegtay inay ku fara dirireyso gacan ku heynta degmadaas, iyadoo markii horeba dowladda ka qabsatay xarumihii danta guud ee ku yaalla magaalada, balse dowladda oo ciidamo gaysay magaalada ayaa ku guuleysatay dagaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this