Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday degaanno ka tirsan degmada Boocame ee Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1754066133468.jpg?resize=1000%2C6

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta oo Jimce ah booqasho ku tegey degaanno ka tirsan degmada Boocame ee Gobolka Sool.

Madaxweyne Ku-xigeen Lugatoor oo uu weheliyo Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi Ciise ayaa kulan isxogwareysi la qaatay Cuqaasha, Waxgaradka , Aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Boocaame iyo 11 Tuulo oo hoos yimaada.

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa kala war qaadasho Madaxweyne Ku-xigeenka iyo bulshada deegaanka, la shaqaynta Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Dowladda Puntland, horumarinta adeegyada bulshada, Sare u qaadida Amniga iyo adkaynta Nabadgelyada, siday sheegtay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa balan qaaday wax ka qabashada baahiyaha deegaanka ee waxgaradku soo gudbiyey oo uu xilsaaray Wakiil gaar ah oo arrimahaas ka shaqeeya iyada oo mudnaanta la siinayo sida ay ukala muhiimsan yihiin, isaga oo la wadaagay bulshada deganka Mashaariicda diyaar ka ah oo ay kamid yihiin.

1-Bilaabida Xarumaha Caafimaadka ee Tuulooyinka Buurawadal iyo Hadhwanaag.

2- Dhismaha Iskuulka Buurawadal.

3-Taabagelinta Isbitaalka Degmada Boocame iyada oo loo diyaarshay qalab casri ah iyo Shaqaale Xirfadoodu sarayso.

4-Macaanaynta Biyaha Degmada Boocame oo hada diyaar ah.

5-Horumarinta  Beeraha.

6- Bilaabida Ceelasha Biyaha ee Fardhidin iyo Karin gorfood.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday degaanno ka tirsan degmada Boocame ee Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this