Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo si adag uga hortimid Maamulka la baxay Waqooyi Bari ee laga dhisay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1754138797492.jpg?resize=1000%2C8

Golaha Wasiirada Somaliland oo Sabtida maanta ah shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa si kulul u cambeereyay dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku eedeeyeen in ay fara-gelin qaawan iyo hurin colaadeed ka waddo gobolka Sool.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Cali Ayaanle oo Warbaahinta u akhriyay go’aannada ka soo baxay Shirkii deg dega ahaa ee Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in dowladda Xamar fara-gelin iyo colaad qabiil ka abuurtay degaanno ka tirsan gobolka Sool, islamarkaana halkaasi ka samaysay maamul aan wax sharciyada haysan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay halis amni iyo xasilnooni-darro abuurtay Cuna-qabatayntii Hubka ee laga qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii maamulka Xasan Shiikh uga faa’idaystay abuurista colaado qabiil iyo cayilinta Argagixisada Caalamiga ah, taasi oo sida uu tilmaamay halis gelinaysa xasiloonida Geeska Afrika oo dhan.

Dhinaca kale, Wasiir Axmed Ayaanle ayaa sheegay in Somaliland xal nabadeed ku wajahayso xaaladda gobolka Sool, waxaana uu yiri”Xukuumadda waxa ka go’an inay la gasho dadkeeda ku nool Sool-Bari wadahadal lagu raadinayo xal nabadeed, oo lagu soo afjaro colaadaha iyo tabashooyinka ka jira magaalada Laascaanood.”

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo si adag uga hortimid Maamulka la baxay Waqooyi Bari ee laga dhisay Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this