Sign in to follow this  
Deeq A.

Saldhiga labaad ee ugu weyn ciidanka badda Puntland oo laga hirgelinayo degmada Laasqoray

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1754192337340.jpg?resize=1000%2C6

Cutubyo tirsan ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa lagu wadaa in dhawaan loo daabulo degmada xeebeedda Laasqoray ee gobolka Sanaag oo dhacda badda Cadmeed.

Ilo wareedyo amni oo xaqiijiyay Warkan ayaa sheegaya in ciidanka badda Puntland ee PMPF uu saldhig Rasmi ah ku yeelanayo degmada Laasqoray, halkaasi oo dhawaan loo daabulayo cutubyo gaashaaman oo ka tirsan PMPF.

Wararka ayaa tilmaamaya in degmada Laasqoray laga hirgelinayo saldhiga labaad ee ugu weyn oo ay lee yihiin ciidanka PMPF marka laga yimaado kan Boosaaso, si ay u xaqiijiyaan ammaanka guud ee xeebaha degmadaasi.

Tallaabadan ayaa imaanaysa wakhti dowladda Puntland isu diyaarinayso Hawlgalkii la baxay ONKOD ee ciribtirka mileeshiyaadka argagixisada ah ee Al-shabaab, kaasi oo ciidamada Puntland ka fulinayaan buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.

PUNTLAND POST

The post Saldhiga labaad ee ugu weyn ciidanka badda Puntland oo laga hirgelinayo degmada Laasqoray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this