Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo sheegay aanu taageersaneyn qorshaha Itoobiya ay ku dooneyso inay ku hantido dekedda Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa si cad u sheegtay inaysan taageersaneyn qorshaha Itoobiya ay ku dooneyso in ay ku hantido dekedda Assab ee dalka Eritrea, sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka kadib khadka taleefanka uu kula xiriiray Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Qoraalka warbixinta ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay diiradda saareen is-afgarad ku saleysan “dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo xasiloonida gobolka,” iyadoo aan marna lagu xusin wax ku saabsan marin badeedka Cas ama sheegashooyin dhuleed oo Itoobiya leedahay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa intii ay wada hadleen adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadahadalka iyo xasilloonida gobolka. Waxa uu sidoo kale ammaanay isbeddellada dhaqaale ee Itoobiya oo fursado u abuurey ganacsiga iyo maalgashiga Mareykanka.

Wararka isha lagu hayo oo kaladuwan ayaa muujinaya in Mareykanka uu dhiirrigelinayo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, halkii uu ka taageeri lahaa ballaarinta dhuleed ama danaha xasaasiga ah ee marin badeedka Itoobiya.

Dhawaan ayay ahayd markii Dowladda Maraykanka ay sheegtay inay ka shaqeynayso sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya iyo Masar.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa muujiyay mahadcelin uu u jeediyay waxa uu ku tilmaamay dadaalka Trump ee ku aaddan in la gaaro heshiis caddaalad ah oo u dhexeeya Masar, Suudaan, iyo Itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this