Sign in to follow this  
Deeq A.

Sweden: Nin xabsi daa’in loogu xukumay dilkii 2015-kii ee lagu gubay duuliye u dhashay Jordan

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamad ku taalla dalka Sweden ayaa nin Swedish ah ku xukuntay xabsi daa’in, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii duuliye u dhashay dalka Urdun oo ay kooxda ISIL (ISIS) nolosha ku gubtay gudaha dalka Suuriya sannadkii 2015-kii.

December 24, 2014, diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Jordan ayaa lagu soo riday Suuriya.

Duuliyaha ayaa isla maalintaas waxaa gacanta ku dhigay dagaalyahano ka tirsan kooxda hubeysan ee ISIL oo xiligaasi gacanta ku haysay dhul baaxad leh oo ka tirsan dalalka Siiriya iyo Ciraaq. Waxa la gubay bishii Feberaayo 2015, markaas oo la shaaciyey muuqaal naxdin leh, sida ay sheegtay xeer ilaalinta.

Garsoore Anna Liljenberg Gullesjo ayaa war ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in baaritaanku uu muujiyay eedaysanaha – oo lagu sheegay dukumeentiyada maxkamadda in lagu magacaabo Osama Krayem – “uu ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacayay, isagoo lebisan oo hubaysan, uuna oggolaaday in isaga filim laga duubo”.

In kasta oo caddaymaha muuqaalku muujinayaan in nin kale uu dhab ahaantii shiday dabkii dilay Muath al-Kassasbeh, garsooraha maxkamadda degmada Stockholm ayaa sheegay in “eedaysanuhu uu ka qayb qaatay dilka dhibbanaha oo ay tahay in loo tixgeliyo dembiile”.

Krayem waxa uu horey loogu xukumay xabsi dheer doorkii uu ku lahaa weeraradii Paris iyo Brussels ee 2015 iyo 2016. Waxaa loo soo gudbiyay Sweden isagoo laga keenay Faransiiska si loogu maxkamadeeyo Stockholm.

32-jirkan, oo diiday in uu si ula kac dil u geystay, ayaa lagu xukumay “dambiyo dagaal oo halis ah iyo fal argagixisnimo”. Ma jirin wax hadal ah oo ka soo baxay qareenkiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this