Deeq A. Posted 16 hours ago Wasiirka Ciyaaraha Djabouti Oo Hargeysa Yimid Waxaan Maanta si rasmi ah u soo Xidhay Tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa ee Kubadda Tenniska ee Miiska (Table Tennis), waxaana kulankii Finalka oo ka dhacay Hoolka SONYO iskugu soo baxay labadda Degmo ee 31 May iyo Gacan Libaax. Munaasibaddan ayaa waxaa igu wehelinayay Guddoomiyaha Xidhiidhka Tennis-ka Somaliland iyo Ku-xigeenkiisa, Agaasimaha Dallada Dhallinyarada SONYO, La-taliyaha Wasiirka iyo Haldoor Khaalid Jaylaani. Degmadda 31 May ayaa ku guuleysatay Koobkii Tartanka Kubadda Tenniska Miiska, waana markii 3-aad oo Xidhiidh ah ee la qabto Tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa. Ka Wasaaradda ahaan waxaa naga go’an Horumarrinta Ciyaaraha kala duwan, waxaana Tartankani uu ka mid yahay Dedaalada joogtada ah ee lagu Horrumarinayo Ciyaaraha. “WADA-JIR iyo WAX-QABAD” Md. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) Wasiir Ku-xigeenka WDH&Ciyaaraha JSL. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites