Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Ciyaaraha Djabouti Oo Hargeysa Yimid

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Ciyaaraha Djabouti Oo Hargeysa Yimid
FB_IMG_1754232859224.jpg

FB_IMG_1754232854463.jpg

FB_IMG_1754232865912.jpg

FB_IMG_1754232851004.jpg

FB_IMG_1754232846814.jpg

FB_IMG_1754232843174.jpg
Waxaan Maanta si rasmi ah u soo Xidhay Tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa ee Kubadda Tenniska ee Miiska (Table Tennis), waxaana kulankii Finalka oo ka dhacay Hoolka SONYO iskugu soo baxay labadda Degmo ee 31 May iyo Gacan Libaax.

Munaasibaddan ayaa waxaa igu wehelinayay Guddoomiyaha Xidhiidhka Tennis-ka Somaliland iyo Ku-xigeenkiisa, Agaasimaha Dallada Dhallinyarada SONYO, La-taliyaha Wasiirka iyo Haldoor Khaalid Jaylaani.

Degmadda 31 May ayaa ku guuleysatay Koobkii Tartanka Kubadda Tenniska Miiska, waana markii 3-aad oo Xidhiidh ah ee la qabto Tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa.

Ka Wasaaradda ahaan waxaa naga go’an Horumarrinta Ciyaaraha kala duwan, waxaana Tartankani uu ka mid yahay Dedaalada joogtada ah ee lagu Horrumarinayo Ciyaaraha.

“WADA-JIR iyo WAX-QABAD”

Md. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase)
Wasiir Ku-xigeenka WDH&Ciyaaraha JSL.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this