Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo Si Buuxda Ula Wareegay Degmada Beled-Xaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kaddib dagaallo culus oo toddobaadkii la soo dhaafay ka socday halkaas.

Dagaallada ayaa u dhaxeeyay ciidamo uu hoggaaminayay C/rashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda (NISA) ee Jubbaland, iyo maleeshiyaad daacad u ah Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wararka laga helayo gudaha Beled-Xaawo ayaa sheegaya in ciidamadii mucaaradka ahaa lagu jabiyay dagaalka, islamarkaana ciidamada Dowladda ay si buuxda u hanteen xarumaha muhiimka ah ee degmada, oo ay ku jirto saldhigga booliska, xarunta degmada iyo kastamyada ganacsiga.

Sidoo kale, waxaa dib loo hawlgeliyay isgaarsiinta degmada oo maalmahan hawada ka maqneyd, taas oo shacabka ku nool Beled-Xaawo ay la daalaa-dhaceen maalmo xiriir la’aan ah.

Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin howlgalkan, balse ilo-wareedyo milatari ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay amniga degmada gacanta ku hayaan, isla markaana ay bilaabeen howlgallo nadiifin ah oo lagu baacsanayo kooxaha ka cararay dagaalka.

Xaaladda guud ee Beled-Xaawo ayaa haatan degan, iyadoo shacabka ay si tartiib tartiib ah ugu laabanayaan noloshoodii caadiga ahayd.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this