Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo xoojinaysa xariirka ay la leedahay dalalka Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya 

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaalo ay ku xoojinayso xariirka dublumaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka dunida, asagoo sidoo kale wada-shaqayn xoogan la yeelanaysa ururrada caalamiga ah iyo hay’adaha waaweyn.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa dhowaan magaalada Jakarta ee dalka Indonesia kulan muhiim ah kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya (ASEAN), Dr. Kao Kim Hourn.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka xubnaha ka ah ASEAN, iyadoo lagu falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhanka Ganacsiga, Waxbarashada iyo iskaashiga guud ee labada dhinac.

Wasiir Cabdisalaam ayaa Xoghayaha Guud la wadaagay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho joogitaan rasmi ah oo ay ku yeelato gudaha ururka, taas oo kor u qaadi karta xiriirka Ganacsi, Siyaasadeed iyo bulsho ee ay la leedahay wadamada Koonfur Bari Aasiya.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee ASEAN, Dr. Kao Kim Hourn, ayaa si diirran u soo dhoweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta xiriirka ay la leedahay ASEAN, WaxAa uu caddeeyay in ururku diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo ay mudan tahay in laga faa’iideysto.

Soomaaliya oo ka soo kabanaysa burbur dowladnimo iyo dagaallo sokeeye ayaa haatan xoojinaysa saamaynteeda dublumaasiyadeed iyo iskaashiga ay dunida la leedahay, kaas oo xilligan carsiga ah muhiimad u leh dal walba.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this