Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Muungaab oo ku dhowaaqay go’aan culus oo farxad-geliyay reer Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
muunka.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga hirgelinayo inta u dhaxeysa waddada Cabdiqaasim iyo Banaadir ee degmada Hodan ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo farxad-gelinayo shacabka caasimada.

Muungaab ayaa shaaca ka qaaday in todobaadkan maamulka gobolka Banaadir uu qaadayo tallaabo culus oo ay go’aamisay xumuumadda Soomaaliya, taas oo lagu furayo waddooyin badan oo hadda xiran, kuna yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Dhagxaanta waddooyinka yaalla ee aan munaasabka ahayn in laga qaado ayaa loo baahan yahay maalmaha soo socdo waxaa magaaladan ka dhici doona barnaamij ay xukuumadda soo go’aamisay, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha amnigana ay fulinayaan oo ah in waddooyin dhowr ah oo lambar culus ah oo xiran dib loo furi doono” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka uu yahay in shacabka loo fududeeyo isku socodka guud ee Muqdisho, maadaama uu haatan soo hagaagay amniga, wax badana laga qabtay.

“Ujeedka waxaa waayay inuu fududaado guud ahaan isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyada oo mar weliba la tixgelinaayo amniga wanaagsan ee caasimada” ayuu sii raaciyay.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka Soomaliyeed, wuxuuna ka codsaday inay garab siiyaan hay’adaha amniga, ayna kala shaqeeyaan nabad-geylada.

“Bulshada caasimada waxaan ugu baaqayaa in ay mar waliba gacan siiyaan hay’adaha amniga, sababtoo ah amniga kaliya qoray laguma sugo shacabka door ayay ku leeyihiin” ayuu mar kale yiri duqa Muqdisho.

Dhanka kale, guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii shacabka dib loogu celin lahaa canshuurta laga qaado, si loo horumariyo adeegyada kala duwan ee bulshada iyo dib u dhiska kaabayaasha, waxa uuna ballan qaaday fulinta dhismaha waddooyin kale oo laga hirgelinaayo Magaalada Muqdisho.

Muungaab ayaa tan iyo markii la magacaabay waday dadaallo horumarineed oo ku aadan caasimada, isaga oo sidoo kale isbeddal wayn ku sameeyay hoggaanka gobolka Banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this