Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo beegsatay madax Shabaab ah oo si qarsoodi ugu shirayay guri ku yaalla…

Recommended Posts

Deeq A.   
NISA.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo gacan ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa maanta howl-gal duqeyn ah ka fuliyay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa si gaar ah loogu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Aboorey halkaas oo la sheegay inay shir ku lahaayeen horjoogayaal sare oo ka tirsan kooxaha Khawaarijta.

Qoraal kooban oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu dilay illaa 8 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ku howlanaa diyaarinta qorsheyaal ay ku waxyeelleeyaan dadka deegaanka.

“Howlgalkaas waxaa lagu dilay siddeed xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta la bartilmaameedsaday, wuxuuna u dhacay sidii loo qorsheeyey” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo milatari oo xooggan oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka, kuwaas oo dib loogu xoreynaayo deegaannadii ugu dambeeyay ee ay qabsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

NISA ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay beegsiga ay ku hayso argagixisada, iyada oo todobaadkii hore degmada Afgooye ku qabatay laba xubood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dhuumaaleysi kusoo galay magaaladaasi, si ay u fuliyaan dilal qorsheysan.

Labada xubnood mid kamid ah wuxuu ahaa horjooge sare oo argagaxisada u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, halka kan kale uu ka tirsanaa amniyaatka kooxda, waxaana NISA sheegtay inuu ku howlanaa uruurinta xogta ciidanka iyo inuu fuliyo dilal qorsheysan.

“Qabashada Horjoogahan Khawaarijta u qaabilsanaa lacagaha baadda ah, waxay daba socotaa digniin rasmi ah oo Hay’adda NISA ay soo saartay 20-kii bishan, taas oo lagu caddeeyay in uruurinta iyo bixinta lacagahaasi ay tahay maalgelin argagixiso oo ka dhan ah sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Sidaas darteed, waxaa mar kale ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed looga digayaa in ay bixiyaan lacago lagu maalgalinayo Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraal dhowaan kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda Qaranka.

Waxaa kale oo qoraalka lasii raaciyay ““Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay xasuusineysaa shacabka in ay si degdeg ah ula soo xiriiraan hay’adaha amniga haddii ay la kulmaan cabsi, cadaadis ama baad. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an ciribtirka Khawaarijta halista ku ah amniga qaranka” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka maanta kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka ee NISA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this