Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada Somaliland oo soo saaray go’aano culus oo ka dhan ah DF Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
525713995_1087674703552576_8409951756129

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa soo saaray go’aanno culus oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay inay farogelin ku hayso arrimaha Somaliland.

Kulankan oo uu guddoomiyay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo wehelinayey ku xigeenkiisa Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, iyada oo laga soo saaray go’aanno adag oo lagu cambaaraynayo, lagagana digayo cawaaqib-xumada ka dhalan karta  faro-gelin qaawan oo ay sheegeen in dowladda federaalka ka waddo bariga Somaliand.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay go’aannada ay gaareen goluhu, isaga oo tilmaamay in Somaliland aysan aqbali doonin maamulka la magac baxay Waqooyi Bari Soomaaliya ee lagaga dhowaaqay magaalada Laascaanood.

“Gobolka Sool, Sanaag, Togdheer ee ay Soomaaliya ku hadaaqeyso ayaa wax aan qaybsami karin ka yihiin dhul qarameedka Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yiri Axmed Yaasiin.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ujeedka dowladda federaalka Soomaaliya uu yahay in shaq-dhaqaaqa ay ka waddo gobolladaas ay isku mashquuleyneyso, ayna shacabka uga weecineyso doorashooyinka ku soo socda.

“Xukuumadda Muqdisho, iyada oo si cad ugu fashilantay gudashada waajibaadka ka saaran dib u dhiska iyo nabadeynta gudaheeda waxay hadda raadineysaa gabood siyaasadeed oo ay xiligan ay dooneyso inay ugu soo dhuumato doorashooyinkeeda” ayuu yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay ka hortagi doonto qorshaha haatan socda, ayna ka go’an tahay inay difaacdo dhammaan xuduudaheeda.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray beesha caalamka iyo daneeyeyaasha gobolka, isaga oo ugu baaqay inay dib u eegaan arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan cunaqabateyntii hubka ee laga qaaday, isaga oo uu tilmaamtay in halis wayn ay keentay, isla markaana hubka loo adeegsanayo dano siyaasadeed iyo hurinta colaado ka jira gudaha dalka.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku wargelineysaa golaha ammaanka ee QM, ururka Midowga Afrika, IGAD, dhammaan daneeyeyaasha gobolka Geeska Afrika iyo dhammaan wakiilada beesha caalamka in cunaqabateyntii hubka ee ay Soomaaliya ka qaadeen ay sababtay hub ay u adeegsatay dagaallo siyaasadeysan oo lagu wiiqayo awoodda iyo nabadda, isla markaana ay jiraan khataro hubkani ugu gacan geli karo kooxaha xagjirka ah” ayuu sii raaciyay.

514278637_1087674640219249_5959022054646 515042626_1087673956885984_6919571714880 515364281_1087674333552613_8235500513777 515494486_1087674043552642_5998231312709 515496356_1087674443552602_2787157810016 515499872_1087674396885940_4415246658767 515501808_1087674216885958_2740872066044 525713995_1087674703552576_8409951756129 526188660_1087675066885873_4136208579145 Faafin.jpg Khadar.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this