Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND oo go’aan cusub ka soo saartay dhismaha maamulka Waqooyi-bari

Recommended Posts

Deeq A.   
Northeast-Woqooyi-Bari.jpg

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag uga horyimid maamulka cusub ee loogu magac daray Maamul-goboleedka Waqooyi-bari Soomaaliya, kaasoo dhowaan looga dhawaaqay magaalada Laascaanood, sheegtayna maamulka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe, ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, wuxuu ku dhaliilay maamulka cusub inuusan lahayn aragti siyaasadeed oo cad, isagoo ku eedeeyay inuu abuurayo kala qaybin iyo iska horkeen bulshooyinka waqooyiga Soomaaliya.

“Waa wax laga xumaado in la isku dayo in la iska horkeeno dad dhulkooda difaacanayay,” ayuu yiri Cabdirisaaq. “Waan arki doonnaa sida uu ku shaqayn karo maamulka Laascaanood laga dhisay. Gobolka Sanaag weligiis laguma xukumin wax lagu qasbay.”

Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in Puntland ay horey u aqoonsatay maamulkii ku-meel-gaarka ahaa ee SSC-Khaatumo oo keliya xaalado gaar ah oo dagaal awgood. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu tallaabadan hadda la qaaday ku tilmaamay weerar toos ah oo lagu soo qaaday midnimada dhuleed iyo awoodda siyaasadeed ee Puntland.

Cabdirisaaq ayaa sidoo kale ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku lug leedahay kala qaybinta dalka, isagoo sheegay in “dowladda federaalku ay isku dayayso inay ummadda u kala qaybiso maamul-goboleedyo iska soo horjeeda.”

Hadalladiisu waxay daba socdaan soo gabagabeynta shirkii dhismaha maamulka SSC-Khaatumo ee Laascaanood, halkaas oo isimada, siyaasiyiinta, iyo wakiillada bulshada rayidka ah ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen dhismaha Maamul-goboleedka Waqooyi-bari Soomaaliya. Shirkaas waxaa lagu kala diray maamulkii ku-meel-gaarka ahaa ee SSC-Khaatumo, waxaana lagu ansixiyay dastuur cusub oo maamulkaas la jaanqaadsiinaya nidaamka federaalka ee Soomaaliya.

War-murtiyeedkii kama dambaysta ahaa ee shirka kasoo baxay ayaa hoosta ka xariiqay mabda’a ah in deegaanku isagu is-maamulo, iyadoo la xusay in khilaafaad muddo dheer soo jiitamayay lagu xalliyay wada-hadallo ay bulshadu hoggaaminaysay. Dadka taageersan ayaa ku ammaanay dhismaha maamulkan cusub inuu yahay waddo horseedaysa isku-soo-dhowaansho ballaaran, nabad, iyo iskaashi lala yeesho dowladda federaalka.

Si kastaba ha ahaatee, ku dhawaaqistaan ayaa kicisay xiisad siyaasadeed, gaar ahaan loolan kala dhexeeya Puntland iyo Somaliland, oo labaduba sheegta lahaanshaha gobollada lagu muransan yahay. Horumarkan ayaa astaan u ah isbeddel weyn oo ku yimid hannaanka siyaasadeed ee gobolka, kaasoo dib u qaabayn kara xiriirka dowladda dhexe iyo maamullada, isla markaana sii murgin kara geeddi-socodka dawlad-dhisidda Soomaaliya ee weli jilicsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this