Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay laba argagixiye oo kamid ah firxadkii Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250801_085413841.jpg?resize=819

Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo fadhigoodu yahay degaanka Kalabayr ee gobolka Bari ayaa xalay gacanta ku dhigay laba xubnood oo kamid ah firxadkii argagixisada Daacish ee lagu jebiyay Hawlgalkii Calmiskaad.

Saraakiil ka tirsan Hawlgalka Calmiskaad ayaa xaqiijiyay in labada xubnood oo ajaanib ah laga qabtay buuraha u dhaw degaanka Kalabayr ee gobolka Bari, halkaasi oo ay u soo firxadeen, kaddib markii ciidamada difaaca Puntland si buuxda u kala daadiyeen awooddii mileeshiyaadka Daacish.

Saraakiishu waxay sheegeen in labada Argagixiye loo gudbinayo Taliska guud ee Hawlgalka Calmiskaad ee magaalada Boosaaso, si loo mariyo baaritaan dhammaystiran, islamarkaana loo horgeeyo hay’adaha garsoorka, gaar ahaanna maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay laba argagixiye oo kamid ah firxadkii Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this