Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni: Villa Somalia waxay dalka ku waddaa burbur aan soo kabasho lahayn

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1754032859881.jpg?resize=1000%2C9

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay jeediyay khudbad ku saabsan Xuska sannad-guuradii 27 ee ka soo wareegtay as-aaskii Puntland ayaa si guud uga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gaar ahaan arrimaha Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni, wuxu shacabka Puntland ugu hambalyeeyay xuska Munaasabadda 1-da Agoosto, waxaana uu bogaadiyay midnimada iyo wadajirkii ay ku wajaheen Hawlgalkii ciribtirka Argagixisada Daacish, kaasi oo wakhtigan geba-gabo maraya, kaddib markii la wiiqay awooddii mileeshiyaadkii Calmiskaad.

Wuxuu sidoo kale sheegay in uu dhawaan bilaabanayo Hawlgalka Calmadow ee buuraha gobolka Sanaag lagaga sifaynayo mileeshiyaadka argagixisada Al-shabaab, waxaana uu ugu bishaareeyay ciidamada difaaca Puntland ee difaaca kaga jira buuraha Calmadow in ay ku soo biiri doonaan ciidamadii hore u fadhiyay Calmiskaad ee ku soo guulaystay Ciribtirkii Daacish.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa si adag u dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid ka gaabisay dagaalkii argagixisada, islamarkaana wuxu sheegay in ay abuurtay dagaallo siyaasadeed oo ku salaysan dano, isagoo si gaar ah u xusay dagaalladii ka dhacay degmooyinka Doolow iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Halkaan ka daawo Khudbadda

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni: Villa Somalia waxay dalka ku waddaa burbur aan soo kabasho lahayn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this