Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedka madaxda sare ee Muqdisho soo gaaray iyo qorshe ay wadaan + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_8470.jpeg

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay si rasmi ah u yimid madaxda ugu sarreysa ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo u yimid in ay la wareegaan hogaanka howlgalka cusub ee beddelay ATMIS.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha cusub ee AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Boly Diene oo u dhashay dalka Senegal, waxaana garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale qeyb ka ah Guddoomiye ku-xigeenka AUSSOM, Ambassador Mukhtaar Cusmaan Kaariye oo kasoo jeeda dalka Jabuuti, kaasoo isna Muqdisho soo gaaray shalay.

AUSSOM waa hawlgal cusub oo si rasmi ah ula wareegaya mas’uuliyadda nabad ilaalinta iyo xasillinta Soomaaliya, kadib markii la qorsheeyey in hawlgalkii ATMIS uu dhammaado dhammaadka 2024. Ujeedada AUSSOM ayaa ah in uu noqdo mid ay Soomaalidu hoggaamineyso, iyadoo ay Midowga Afrika iyo beesha caalamka taageero ka geysanayaan dhanka farsamada, tababarka iyo kharashka.

Si kastaba ha ahaatee, caqabadda ugu weyn ee haysata AUSSOM waa dhaqaale la’aan baahsan, taasoo dib u dhac weyn ku keentay howlgalka. Inkasta oo Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo deeq-bixiyayaasha caalamka ay isla oggolaadeen in si wadajir ah loo bixiyo kharashaadka lagu shaqeynayo, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in weli ay jiraan caqabado dhinaca bixinta lacagaha, taasoo dhalisay walaac sii kordhaya.

Khataraha dhaqaale la’aanta waxaa ka mid ah in haddii aan si deg-deg ah loo xallin arrimaha maalgelinta, uu howlgalka AUSSOM istaagi karo – arrin khatar weyn ku ah amniga Soomaaliya, iyadoo aanay ciidamada dowladda weli u diyaarsaneyn inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda sugidda nabadda guud ahaan dalka.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay madaxdan AUSSOM kulammo la yeelan doonaan madaxda dowladda federaalka, si loo dardar-geliyo wada-shaqeynta labada dhinac iyo xal u helidda caqabadaha heysta howlgalka cusub.

IMG_8474.jpeg IMG_8473.jpeg IMG_8472.jpeg IMG_8471.jpeg IMG_8470.jpeg IMG_8469.jpeg IMG_8468.jpeg IMG_8467.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this