Sign in to follow this  
Deeq A.

Dilalka qorsheysan oo kusoo badanaya Hargeysa iyo kiiskii ugu cuslaa oo taagan

Recommended Posts

Deeq A.   
Hargeysa.png

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxaa bilihii dambe kusoo badanayay dilalka qorsheysan, iyadoo ugu dambeeyay dil shalay ka dhacay gudaha magaalada.

Dilalkan ayaa loo adeegsaday bastoolado, toorey iyo agab kale, waxaana ugu cuslaa dil habeen dhaweyd ka dhacay bartamaha magaalada Hargeysa, kaasi oo nin hubeysan uu toogtay laba wiil oo dhalinyaro ah.

Waxaa xusid mudan in booliska Somaliland oo dadaal badan ka galay soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha dilalka geystay ayaa badankooda ku guuleystay soo qabashadooda, marka laga reebo gacan ku dhiiglihii toogtay habeenka dhaweyd labada wiil.

Dilkaas oo ahaa mid qorsheysan ayaa gacan ku dhiiglaha markii uu fuliyay dilka isla markiiba waxa uu ka baxsaday goobta. Hargeysa oo kamid aheyd magaalooyinka Soomaaliyeed ee ugu nabdoon ayaa haatan wajaheysa dilal qorsheysan.

Caasimada Online oo xiriir la sameysay Taliska Booliska Somaliland ayaa ogaatay in muddo ka yar 5 bilood ay gudaha caasimada ka dhaceen in ka badan 33 dil.

Taliska Booliska ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamadu ay gacanta kusoo dhigeen dadkii geystay dilalka, marka laga reebo gacan ku dhiiglihii habeen dhaweyd labada wiil ku dilay bartamaha magaalada Hargeysa.

“Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku guuleysteen inay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha dhowr iyo soddanka kiis dil, waxaana weli ku raadjoogna gacan ku dhiiglaha labada qof dilay,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska Somaliland oo la hadlay Caasimada Online.

Dilkan aan weli lasoo qaban gacan ku dhiiglihii geystay ayaa 20-kii bishan ka dhacay bartamaha magaalada, gaar ahaan boosteejo laga raaco basaska u kala goosha xaafadaha Hargeysa, wuxuuna falka dhacay fiidkii hore.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka, wuxuuna argagax wayn ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan reer Hargeysa oo haatan dalbanaya in deg-deg dambiilaha loo soo qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this