Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Maraykanka oo maanta hawlgal wadajir ah ku qabtay horjooge sare oo ka tirsan Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1753441417821.jpg?resize=1000%2C6

Dowladda Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay Madaxii Maaliyadda Argagixisada Daacish ahaana wakiilka kooxda u qaabilsan Ajaanibta oo magaciisu yahay, Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac).

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay qabashada Madaxii Maaliyadda Argagixisada Daacish ahaana wakiilka kooxda u qaabilsan Ajaanibta oo magaciisu yahay, Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac).

Dowladda Puntland waxay sheegtay in horjooge, Abdiweli Walalac lagu qabtay hawlgal qorshayaan oo ka dhacay degaanka Laag ee degmada Xumbeys, kaasi oo ay faliyeen saaxiibada dowladda Puntland ee Mareykanka oo taageero ka helaya Hawlgalka Calmiskaad.

“Waxaa laqabtay Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac) Madaxii maaliyadda ahaana wakiilka Ajaanibta Argagixisada  Daacish iyo labo xubnood oo kale, hawlgalka oo ka dhacay deegaanka Laag ee degmada Xumbeys, waxaa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka oo taageeraya Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.”

“Hawlgalka Calmiskaad ayaa maraya meel gebogebo ah, waxaana socda ugaarsiga  firxadka Argagixisada iyo Horjoogeyaashoodii ka cararay Calmiskaad” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka Calmiskaad.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Maraykanka oo maanta hawlgal wadajir ah ku qabtay horjooge sare oo ka tirsan Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this