Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Soomaaliya oo degmada Afgooye ku qabtay horjooge iyo xubin kale oo ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
nisa.jpg?resize=596%2C325&ssl=1

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ee (NISA) oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in ay laba xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ku qabatay hawlgal qorsheysan oo ay xalay ka fulisay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hay’adda NISA waxay Warsaxaafadeedka ku sheegtay in ay hawlgalkaasi ku soo qabteen labo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay Afgooye, kuwaas oo mid ka mid ah uu yahay Horjooge qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, halka xubinta labaad uu ka tirsanaa waaxda waxa ay ugu yeeraan amniyaadka.

Sida ku cad Warsaxaafadeedka NISA, Qabashada Horjoogahan Al-shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah, waxay daba socotaa digniin rasmi ah oo Hay’adda NISA ay soo saartay 20-kii bishan, taas oo lagu caddeeyay in uruurinta iyo bixinta lacagahaasi ay tahay maalgelin argagixiso oo ka dhan ah sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah.

“Sidaas darteed, waxaa mar kale ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed looga digayaa in ay bixiyaan lacago lagu maalgalinayo Khawaarijta. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay xasuusineysaa shacabka in ay si degdeg ah ula soo xiriiraan hay’adaha amniga haddii ay la kulmaan cabsi, cadaadis ama baad” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka NISA.

FB_IMG_1753602193502.jpg?resize=1000%2C1

PUNTLAND POST

The post Sirdoonka Soomaaliya oo degmada Afgooye ku qabtay horjooge iyo xubin kale oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this