Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo faahfaahin ka bixisay dagaallo ka dhacay magaalooyinka Doolow iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   
Axmed-Madoobe-750x430-1.jpg?resize=750%2

Xukuumadda Jubaland oo Warsaxaafadeed ka soo saartay ayaa in sheegtay in mudda ku dhow toddobaad, magaalada Beledxaawo waxay wajahaysay weerarro isdaba joog ah oo kaga imaanaya ciidamo ku sugan xerada UK ee duleedka magaaladaas, kuwaasi oo uu hoggaaminayo shakhsi gacan-saar la leh Villa Somalia.

Jubaland waxay sheegtay in gelinkii hore ee shalay ciidamadaasi weerar si toos ah ku qaadeen magaalada Beledxaawo, oo ay gacanta ku hayaan Ciidamafa Jubaland, waxaana Warsaxaafadeedka lagu yiri “Weerarkaasi wuxuu sababay barakac baahsan, burbur hantiyeed oo xooggan, iyo cabsi laga dhaxlay hub culus, oo si aan loo meel dayin loogu garaacay gudaha magaalada. Intaa kaliya kuma ekaan, ee ciidamadaasi waxay sidoo kale biliilaaysteen guryo ay dadkii lahaa ka qaxeen, taasoo si cad u muujinaysa in aanay wax dan ah ka lahayn shacabka iyo deegaanka.”

“Dhanka kale, ciidamada nabadsugidda ee ka amar qaata eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud ee fadhiigoodu yahay magaalada Doolow, ayaa xalay weerar gardarro ah ku qaaday xarumaha ciidamada Dowladda Jubaland ee magaaladaasi. Weerarkan wuxuu astaan u yahay damaca sii fidaya ee ah in la carqaladeeyo xasilloonida Jubaland, iyadoo la adeegsanayo awood ciidan oo sharci darro ah isla markaana colaado daba dheeraada laga abuuro deegaanka” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka Jubaland.

Jubaland waxay tilmaantay in ay ka go’an tahay ilaalinta amniga shacabka, difaaca dhulka Jubaland, iyo ka hortagga dhammaan qorshayaasha gurracan ee Taliska Madaxweyme Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay raacisay “Weerarada uu eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud kusoo qaaday Jubaland waxay si toos ah u wiiqayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxayna carqaladeynayaan jihadii mideysnayd ee lagula dirirayey argagixisada.”

FB_IMG_1753684109730.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo faahfaahin ka bixisay dagaallo ka dhacay magaalooyinka Doolow iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this