Deeq A. Posted July 22 Cabdiraxmaan Aadan Qoorgaab waa mid ka mid ah dhalinyarada dadaalka badan ee tacabka mugga leh geliyay horumarinta Caasimadda Hargeysa, tan iyo intii ay jirtay Dawladda Hoose ee uu hoggaaminayay Maayarka Cabdikariin Axmed Mooge. Mudane Qoorgaab wuxuu kasoo shaqeeyay shan degmo oo kamid ah degmooyinka Hargeysa: 26 Juun, Gacan Libaax, 31 May, Macalin Haaruun, iyo Axmed Dhagax, isagoo kasoo noqday guddoomiye degmooyin badan. Waxqabadkiisa ayaa si toos ah looga dareemay degmo kasta oo uu ka hawlgalay, taas oo ka tarjumaysa hufnaantiisa maamul, daacadnimadiisa iyo kartidiisa hoggaamineed. Cabdiraxmaan Aadan Qoorgaab waxa uu dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u taagan yahay doorashada Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa ee sanadka 2026. Waa musharrax ay bulshada si weyn u garanayaan, loogana bartay waxqabad muuqda oo aan ku koobnayn hadal, balse sal u ah hawl maalmeedka nololeed ee degmooyinka. Intii uu xilka hayay Maayarka Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, Cabdiraxmaan Qoorgaab waxa uu ka mid ahaa garbaha uu ku duulay; wuxuuna door muuqda ku lahaa hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee Dawladda Hoose. Iskaashi dhow oo dhex maray labada masuul ayaa sabab u noqday horumar muuqda oo laga dheehan karo xaafadaha caasimadda. Cabdiraxmaan Aadan Qoorgaab waa musharrax ay shacabka reer Hargeysa kalsoonidooda ku aamini karaan, isla markaana u qalma hoggaaminta iyo masuuliyadda sare ee Caasimadda. Waa dhalinyaro karti iyo himilo leh, waana nooca dalka iyo bulshada u baahan tahay. Source Share this post Link to post Share on other sites