Deeq A. Posted July 26 Faransiiska ayaa bisha Sebtembar si rasmi ah u aqoonsan doona dowlad ay leeyihiin Falastiin, sida uu sheegay madaxweyne Emmanuel Macron, taas oo ka dhigaysa waddankii ugu horreeyay ee G7 ee aqoonsaday. Qoraal uu soo dhigay X, ayuu Macron ku sheegay in ku dhawaaqista rasmiga ah lagu sheegi doono fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York. โBaahida degdega ah ee maanta waa in dagaalka Gaza la soo afjaro oo dadka rayidka ah la badbaadiyo, nabad waa suurtagal, waxaan u baahanahay xabbad joojin degdeg ah, in la sii daayo dhammaan la haystayaasha, iyo gargaar biniโaadannimo oo ballaaran oo la gaarsiiyo dadka Gaza,โ ayuu qoray. Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay goโaanka Macron, halka raโiisul wasaaraha Israaโiil Benjamin Netanyahu uu sheegay in tallaabadan โay abaal-marinayso argagaxโ ka dib weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 ka dhacay Israaโiil. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites