Deeq A. Posted 10 hours ago Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare kala duwan geystay oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula beegsaday qaybo ka mid ah magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay waddada aada garoonka diyaaradaha, waxaana lala eegtay kolonyo ay wateen ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid kamid ah kolonyada ciidamada Itoobiya oo xilligaas kusii jeeday dhanka garoonka oo ay dagan yihiin waxaana soo gaaray khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, iyada oo gebi ahaan uu burburay baabuurka la qarxiyay. Ugu yaraan 3 askari oo ka trsanaa ciidamada Itoobiya ayaa ku dhintay weerarkan qaraxa ah, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Qaraxa kadib ciidamada ayaa furay rasaas kooban, waxayna sidoo kale xayireen dhaq-dhaqaaqa waddada, inkastoo saacado kadib ay isaga tageen goobta lagu weeraray. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Itoobiya iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan qaraxa loo dhigay kolonyada ciidamada Itoobiya, waxaana mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab, sida ay ku baahiyeen barahooda. Qaraxan ayaa kusoo aadaya, iyada oo muddooyinkii u dambeeyay weeraro isugu jiro, qaraxyo, kuwa toos ah iyo madaafiic ay Al-Shabaab ku qaadayeen fariisimaha ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin deegaannada ay ka joogaan gobollada Baay iyo Bakool. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa si gaar ah weeraro gaadmo ah ku qaada qaybaha kala duwan ee ciidamada ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadkooda, waxayna sidoo kale go’doon ku hayaan degmooyinka waawayn. Share this post Link to post Share on other sites