Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo masโ€™uul kasta oo ka soo jeeda Puntland u dirtay in uu mileeshiyaad ka qorto degaankiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20220804-WA0002.jpg?resize=1000%2C66

Villa Somalia oo khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo xukuumadda Siciid Deni ayaa ku amartay masโ€™uuliyiinta heer Federaal ee ka soo jeeda Puntland in mid kasta degaankiisa ka qorto mileeshiyaad hubaysan oo isaga daacad u ah.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo hadda ku maqan safar dibadeed ayaa dhammaadkii bishii hore June bilaabay in uu masโ€™uul kasta oo ka soo jeeda Puntland u diro abuurista mileeshiyaad hubaysan oo masโ€™uulkaasi daacad u ah, sida aan ka xigannay shakhsiyaad xogtooda lagu kalsoon yahay.

โ€œMasโ€™uul kasta oo ka soo jeeda Puntland waxaa Villa Somalia u dirtay in uu degaankiisa ka qorto mileeshiyaad hubaysan oo isaga daacad u ah, kuwaasi oo u abaabulan beel ahaan si aysan Puntland ugu degdegin in ay tallaabo ka qaadoโ€ sidaasi waxan ka xiganay ilo wareedyo la socda dhaq dhaqaaqan cusub ee Villa Somalia bilowday.

Villa Somalia ayaa doonaysa in ay abuurista mileeshiyaadkan ku hesho saamayn ciidan oo gudaha Puntland ka fulin karta siyaasada Madaxweyne Xasan Shiikh iyo kooxdiisa oo khilaaf siyaasadeed adag kala dhexeeyo Madaxweyne Siciid Deni.

PUNTLAND POST

The post Villa Somalia oo masโ€™uul kasta oo ka soo jeeda Puntland u dirtay in uu mileeshiyaad ka qorto degaankiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this