Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhahar: Dagaal galabta dhexmaray ciidamada Puntland iyo mileeshiyaad taabacsan dowladda Federaalka Soomaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1752589303734.jpg?resize=1000%2C6Guddoomiyaha Dhahar

Guddoomiyaha degmada Dhahar ee gobolka Haylaan, Bashiir Maxamed Ciise oo ka hadlay dagaal galabta ka dhacay degmadaasi ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka danbaysay dhibkaasi.

Guddoomiye Bashiir Maxamed oo faahfaahin ka bixiyay dagaalkii galabta ayaa sheegay in uu dhexmaray ciidamada dowladda Puntland iyo mileshiyaad hubaysan oo Villa Somalia ka qoratay Dhahar, kuwaasi oo maanta sameeyay dhaq dhaqaaqyo liddi ku ah amniga degaanka.

“Dowladda Federaalka oo khalkhal gelin amni ka waday Gobolka Haylaan,  iyada oo kaashanaysa maamul ku sheegga Khaatumo ayaa maanta ciidan ay qorteen waxay sameeyeen jidgooyooyin, waana ka banaynay, xaaladdu waa caadi” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Dhahar, Bashiir Maxamed Ciise.

Wuxuu sheegay in ciidamada Daraawiishta Puntland oo ay weheliyaan Booliska degmada Dhahar ay ku guulaysteen in ay kala ceyriyaan mileeshiyaadkii Villa Somalia abaabushay oo isbaarooyin dhigtay gudaha degmada, islamarkaana ciidanka dowladdu hadda furay jidadkii xirnaa, sida uu hadalka u dhigay

Dhinaca kale, guddoomiye Bashiir kama hadlin khasaarihii ka dhashay dagaalkaasi ilaa iyo haddana faahfaahin sugan lagama hayo, balse wararka qaar ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu jiro.

PUNTLAND POST

The post Dhahar: Dagaal galabta dhexmaray ciidamada Puntland iyo mileeshiyaad taabacsan dowladda Federaalka Soomaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this