Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in aysan aqoonsan doonin dhismaha Maamulka khaatumo haddii aan sifo sharci ah loo marin

Recommended Posts

Deeq A.   
danii-1024x665-1.jpg?resize=1000%2C649&s

Dowladda Puntland waxay soo dhaweysay go’aankii Isimada Beesha Sool clan ee February 6, 2023kii ka soo baxay Magaalada Laascaanood, waxayna qayb libaax ka qaadatay halgankii dib loogu qabtay Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool 25kii August 2023.

Isla markaasna Dowladda Puntland waxay ku dhawaaqday in ay soo dhaweynayso in Hogaanka dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Sool clan ay isugu yimaadaan shir wadatashi, kadibna la qabto shirweyne ka dhexeeya guud ahaan Reer Puntland oo iyagu ay kamid yihiin si looga arrinsado mustaqbalka Gobolada ay dagaan Beesha Sool clan. Haseyeeshee, waxaan wali qabsoomin shirarkii wadatashiga ahaa ee lagu gorfeyn lahaa mustaqbalka sharciyadeed ee Deegaanka ay Beeshu dagto iyo ka sii mid ahaanshadooda hannaanka Dawladda Puntland.

𝗖𝗮𝗱𝗱𝗲𝘆𝗻

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay caddeynsaa:

1. In si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 7-aad, farqaddiisa 1-aad iyo 2-aad iyo qodobkiisa 138-aad, farqaddiisa 1aad iyo 2-aad, Gobolada Sool iyo Cayn (Sool clan) iyo guud ahaan Beelaha dega ay si buuxda wax uga dhisteen Maamulka Dawladda Puntland, Sanadkii 1998dii.

2. In deegaan ama beel ka tirsan Dowladda Puntland ay yeelato maamul u gaar ah, waxaa ka horreysa in sifo sharci ah loo maro, ayna wadatashi buuxa ka yeeshaan beelihii wada dhistay hannaanka Dawladda Puntland 1998dii.

Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyada oo tixgalinaysa rabitaanka Beesha Sool clan ee ah in ay noqdaan Maamul gooni ah, waxay go’aamisay qodobada soo socda:

1. Inta laga helayo sifo sharci ah oo ku timaadda wadatashi guud ahaan Reer Puntland, Gobolada Sool iyo Cayn iyo Beelaha dega waxay si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Puntland, ka tirsan yihiin hannaanka Dawladda Puntland.

2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland waxay cambaareynaysaa faragalinta qaawan ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso amniga iyo xasiloonida Dowladda Puntland, iyada oo rabta in ay burburiso amniga iyo dowladnimada ka jirta Puntland, fashilisana dagaalka ay Dowladda Puntland iyo Saaxibada Caalamku kula jiraan Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyo AS. 

3. Dowladda Puntland waxay ku adkeynaysaa Dadka Reer Puntland in ay xoojiyaan midnimadooda, illaaliyaana amniga iyo dowladnimada Puntland.

FB_IMG_1752690366195.jpg?resize=1000%2C1

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in aysan aqoonsan doonin dhismaha Maamulka khaatumo haddii aan sifo sharci ah loo marin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this