Sign in to follow this  
Deeq A.

Masuuliyiin iyo xubno ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland ayaa booqday deegaanka Lughaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Waftiga sare ee ka socda Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale ayaa safar shaqo ku tegay degmada Lughaya ee Gobolka Awdal, iyaga oo ujeedkoodu yahay inay gurmad iyo taakulo gaadhsiiyaan bulshada ay saamaysay abaartu ee ku dhaqan gobolkaas.

Waftigan waxa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre; Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada, Mudane Cali Xaamud Jibriil; Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Axmed Yasiin Maxamed Faarax; iyo Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Mudane Maxamed Jaamac Xoday.

Ujeeddada socdaalkani waa u kuurgelidda xaaladda nololeed ee dadka ay abaartu saamaysay iyo gaadhsiinta gurmadka degdega ah ee ay dawladda u fidinayso si wax looga qabto baahiyaha taagan. Waftigu waxa ay sidoo kale la kulmayaan bulshada deegaanka si ay u dhagaystaan cabashooyinkooda ugana wada hadlaan xalka waara ee looga gudbi karo duruufaha adag ee ay wajahaan.

Suldaan Abdikarim

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this