Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in uu halkaasi ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya laba ciidan oo kala taabacsan laba dhinac oo siyaasadeed oo iska soo horjeeda.

Dagaalka ayaa ka bilowday xaafadda Sare ee magaalada Dhahar, gaar ahaan dhanka laga soo galo magaalada, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada deegaanka ee  Maakhir.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay taageersan yihiin dhismaha maamulka Maakhir oo ku biiraya maamulka Khaatumo iyo shirka socda ee Laascaanood.

Dhinaca kale, waxaa dagaalka lug ku leh ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kuwaasoo lagu eedeeyay inay doonayeen inay xakameeyaan dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee deegaankaasi ka socday.

Rasaas culus iyo hubka waaweyn ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada, iyadoo ay cabsi iyo barakac saameeyeen dadkii deegaanka, gaar ahaan xaafadaha ku dhow goobta dagaalku ka socda.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana dadka deegaanka sheegayaan in xaaladdu aad u kacsan tahay.

Wixii faahfaahin ah kala soco wararkeena dambe

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this