Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dalbatay xil ka xayuubinta iyo soo xiritaanka Cabdirashiid Yuusuf Cawl

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Xildhibaaannada Golaha Wakiilada ka dalbaday inay xil ka xayuubin ku sameeyaan Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, oo maanta kasoo muuqday shirweynaha lagu dhameystirayo dhismaha maamulka SSC-Khaatumo.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, una muuqata in taariikhdeeda laga dhigay asbuuc ka hor, ayaa waxa uu Golaha Wakiilada Puntland uga codsaday inay fudeydiyaan soo qabashada Cabdirashiid Cawl, maadaama uu hadda yahay Xildhibaan xasaanad leh.

“Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland asaga oo gudanaya xilkiisa ku xusan qodobka 105-aad ee Dastuurka dowladda Puntland wuxuu halkaan kugu soo gudbinayaa codsiga ku saabsan xasaanad ka qaadista Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil oo ku kacay lugta kula jira fal dambiyeedyo cada cad oo uu ku waxyeeleynayo amniga guud ee Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xeer Ilaalinta ayaa sheegtay in Cabdirashiid uu ku kacay fal dambiyeedyo cad-cad ah oo waxyeelaynaya amniga guud ee maamulka Puntland, xilli uu maalmihii dambe ka shaqeynayay dhismaha maamulka SSC.

Cabdirashiid ayuu maamulka Saciid Deni ku eedeeyay inuu wado abaabul ciidan oo lidi ku ah amniga Puntland iyo kan gobolka Sanaag. “Sida ka muuqata hadaladiisa iyo sawirradiisa uu ku faafiyay baraha bulshada isaga oo tuute ciidan xiran wuxuu wadaa abaabul ciidan,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulka Puntland

Mudane Cawl ayey Xeer Ilaalintu sheegtay inuu galay dambiyada ku xusan qodobadda 221, 223 iyo 233 X.C.S, sidaas darteed ay tahay in xil ka xayuubin lagu sameeyo si laamaha amniga loogu fududeeyo soo qabashadiisa, ayna Xeer-ilaalinta ugu sahlanaato dacwo ku oogistiisa.

“Waxaan mar labaad codsanaynaa in xasaanada laga xayuubiyo Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer Ilaalinta oo si toos ah loogu diray Golaha Wakiilada Maamulka Puntland.

Xeer-Ilaalinta-.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this