Deeq A. Posted 19 hours ago London (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Nigeria Muhammadu Buhari, oo hoggaaminayay dalka ugu dadka badan Afrika intii u dhaxaysay 2015-2023, isla markaana ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Nigeria ee madaxweyne xilka haya kaga guulaysta sanduuqa codbixinta, ayaa Axaddii ku geeriyooday magaalada London, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada. “Madaxweyne Buhari wuxuu maanta ku geeriyooday magaalada London abaare 4:30 galabnimo (1530 GMT), kaddib xanuun muddo dheer la soo dersanaa,” ayuu yiri afhayeenka Madaxweyne Bola Tinubu oo farriin soo dhigay bartiisa X. Buhari, oo 82 jir ahaa, oo markii hore dalka ku hoggaaminayay xukun militari kaddib afgambi dhacay sannadihii 1980-meeyadii, ayaa ku kasbaday taageerayaal daacad u ah siyaasaddiisa ku dhisnayd la-dagaallanka musuqmaasuqa ee uu sida adag u aaminsanaa. Wuxuu isugu yeeri jiray “dimoqraadi is-beddelay” wuxuuna dareyskii militariga ku beddeshay qamiisyo iyo koofiyado. “Anigu qof walba waan u simanahay, cid gaar ahna ma ahi,” waxay ahayd oraah uu Buhari si joogto ah ugu celcelin jiray taageerayaashiisa iyo kuwa dhaliila intaba. Buhari ayaa ka guuleystay Goodluck Jonathan sannadkii 2015-kii, doorashadaas oo lagu tilmaamay middii ugu caddaaladsanayd ee taariikhda Nigeria. Dad badan ayaa rajeynayay in janaraalkaas weyn ee howlgabka ahaa uu si adag ula tacaali doono kooxaha hubeysan, sidii uu sameeyay markii uu ahaa madaxa militariga ee dalka. Taas beddelkeeda, rabshadihii markii hore ku koobnaa gobolka waqooyi-bari ayaa ku fiday dalka oo dhan. Tani waxay keentay in qaybo badan oo Nigeria ka mid ah ay ka baxaan gacanta ciidamada ammaanka oo markii horeba culays saarnaa, iyadoo dableyda hubeysan ee waqooyi-galbeed, kooxaha gooni-u-goosadka ah ee hubeysan, iyo burcadda ka jirta koonfur-bari ay si xor ah u meeraystaan. Inta badan soo jiidashadiisu waxay ku dhisnayd mabda’iisa la-dagaallanka musuqmaasuqa, kaasoo ahaa udub-dhexaadka ajandihiisa xilliyadii uu ahaa hoggaamiyaha militariga iyo madaxweynaha rayidka ah labadaba. Wuxuu aaminsanaa in musuqmaasuqa baahsan ee ku jira dhaqanka siyaasadeed ee Nigeria uu yahay waxa dadka dib u dhigaya. ‘Baba Go Slow’ Laakiin Buhari si degdeg ah ayuu dadka uga niyad-jabiyay guushiisii 2015-kii kaddib. Waxa ku qaadatay lix bilood inuu magacaabo golihiisa wasiirrada. Muddadaas, dhaqaalihii dalka oo ku tiirsanaa saliidda waxaa curyaamiyay qiimaha hooseeya ee saliidda ceyriin, taasoo keentay in dadku ugu yeeraan “Baba Go Slow”. Guushiisii labaad ee 2019-kii waxay timid inkastoo muddadiisii xileedka hore ay hareeyeen hoos-u-dhac dhaqaale oo ahaa kii ugu horreeyay muddo jiil ah, weerarro ay maleeshiyaad ku qaadeen goobaha saliidda, iyo isaga oo marar badan isbitaal la dhigay. Waxa uu ku dhashay Daura oo ka tirsan gobolka Katsina ee waqooyi-galbeed dalka, 17-kii Diseembar 1942-kii, waxaana uu ciidanka ku biiray isagoo 19 jir ah. Ugu dambayn wuxuu gaaray darajada Major-General. Wuxuu xukunka afgambi kula wareegay 1983-kii isagoo ahaa hoggaamiye militari, wuxuuna ballanqaaday inuu dib u soo nooleyn doono dalka sida xun loo maamulay. Buhari wuxuu mowqif adag ka qaatay wax kasta, laga soo bilaabo shuruudihii ay dalbanaysay Hay’adda Lacagta Adduunka (International Monetary Fund) ilaa nidaam-darrada ka jirtay safafka basaska. Sannadkii 1984-kii, maamulkiisu wuxuu isku dayay inuu afduubto wasiir hore oo si weyn u dhaliili jiray oo degganaa dalka Britain. Shirqoolkaas wuxuu fashilmay kaddib markii saraakiisha garoonka diyaaradaha ee London ay fureen sanduuqii siday siyaasiga la soo afduubay. Xukunkiisii hore wuxuu ahaa mid gaaban. Waxaa xilka ka qaaday sarkaal kale oo militari ah, Ibrahim Babangida, kaddib 18 bilood oo kaliya. Buhari wuxuu 30-kii sano ee xigay ku qaatay xisbiyo siyaasadeed oo aan miisaan lahayn iyo isku dayo uu ugu tartamayay xilka madaxweynaha, ilaa uu ugu dambayn ka guuleystay Jonathan sannadkii 2015. Share this post Link to post Share on other sites