Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo qabsaday Tardo iyo xogtii u dambeysay xaalad adag oo ka taagan Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaas (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta la wareegtay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, kaas oo ah deegaan istaraatiiji ah oo hoos taga degmada Jalalaqsi, kadib markii ay halkaas isaga baxeen ciidamada deegaanka.

Ciidamada Macawiisleyda ee beesha Xawaadle, oo saddex sano ka hor la wareegay deegaankaas, ayaa maanta isaga baxay iyagoo aan wax dagaal ah gelin, kadib markii ay xaqiiqsadeen in Al-Shabaab ay weerar kusoo wajahan tahay.

Xaaladda gobolka Hiiraan ayaa sii xumaaneysa, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay dib u qabsatay dhul badan, oo ay ku jiraan toban deegaan oo muhiim ah iyo degmada Moqokori. Waxaana gobolka ka jirta xaalad hubanti la’aan ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa beesha Xawaadle ayaa caawa difaac ka sameystay degmada Maxaas, oo cabsi laga qabo inay Al-Shabaab soo weerarto. Halkaas waxaa shalay gaaray gurmad ka yimid magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, oo ay dirtay beesha Cayr.

Beesha Cayr ee Habargidir ayaa beesha Xawaadle ku wareejisay gargaar isugu jira lacag dhan 50 kun oo doolar ah, 200 neef oo ari ah, 10 neef oo geel ah, laba gaari oo raashin ah iyo ciidamo si toos ah u dagaalamaya.

Al-Shabaab oo horey ula wareegay Moqokori ayaa hadda wada dhaqdhaqaaqyo halis ah, waxayna dadka reer miyiga ah ka barakiciyeen deegaannada bariga gobolka Hiiraan ee ay qabsadeen.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, Yuusuf Dabageed, ayaa xalay sheegay in in ka badan 60 kun oo qoys ay ka barakaceen dhulkii ay Al-Shabaab dib u qabsadeen, isagoo gargaar degdeg ah ka codsaday dowladda federaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this