Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Beesha Cayr oo lagu eedeeyey in Hotel Diplomatic ay ka dhaceen Majeerteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal ka soo jeeda beesha Majeerteen ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id, kuwaas oo ka cabanaya beesha Cayr ee Habargidir oo ay sheegeen inay xoog uga heystaan Hotel Diblomatic oo ku yaalla inta u dhaxeysa isgoysyada Banaadir iyo Soobe, kana soo horjeeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Cidda la sheegay inay xoogga ku heysato dhulka uu ka dhisan yahay Hotel Diblomatic, waxay markii hore codsadeen in laga ijaaro, kadibna waxay sheegteen in dhulkaas ay leeyihiin, iyagoo xoog adeegsanaya, sida ay odayaashaani sheegeen.

Xaaji Cabdullahi Shirwac oo ku magac dheeraa Xaaji Qore, oo ahaa nin caan ah oo ka soo jeeday Daarood, gaar ahaan beesha Majeerteen, balse hadda dhintay ayaa ragga gurigaas heysta ka ijaaray markii hore.

Odayaasha galabta warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in toos loo sheegtay milkiyadda dhulkooda, iyagoo codsi u dirsaday dowladda, gaar ahaan madaxda sare iyo hay’adaha cadaaladda.

Sidoo kale, waxay sheegeen in toddoba bilood ka hor ay gal-dacwadeed ka furteen maxkamadda gobolka Banaadir, balse ay la daahday go’aaminta kiiskaan oo sida ay sheegeen ah mid iska cad oo u baahan go’aan qaadasho oo kaliya.

Odayaasha ayaa maxkamadda ka codsaday inay joojiso shaqada ka socota Hotelka ilaa inta go’aan ay ka gaareyso, “inta go’aan ka soo baxayo dhulkaan halaga dhexbixiyo dadkii lahaa iyo dadka degan,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha.

Maxiamadda Gobolka Banaadir ayey odayaashaan rajo badan ka muujiyeen inay xaqooda u soo dhici doonto, maadaama sanadihii u dambeeyey ay ku guuleysatay in qoysas badan ay u xukunto, kuna wareejiso guryo xoog looga heystay.

Hoos ka daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this