Sign in to follow this  
Deeq A.

Habraaca Amniga Shirka dhammaystirka SSC-khaatumo oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1752108840189.jpg?resize=1000%2C6

Wasaaradda Amniga SSC-khaatumo oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay habraac amni oo ku saabsan Shirka Dhammaystirka Maamul dhiska Khaatumo oo ka furmaya magaalada Laascaanood.

Wasaaradda Amniga SSC-khaatumo waxay sheegtay in ay magaalada Laascaanood ka reebban tahay in hub lala dhexmaro ama ciidan hubaysan soo galo laga bilaabo Maanta oo Khamiis ah, islamarkaana waxay Dhammaan Gaadiidka Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo fartay in aysan la soo gelin wax Gaadiid ah gudaha Laascaanood.

Warsaxaafadeedka Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay Musharixiinta u taagan xilalka Madaxtinimo ee ka tirsan goleyaasha SSC-khaatumo iyo kuwa kalaba yeelan doonaan istaafyo cayiman oo la siiyo tacriif u gaar ah oo lagu aqoonsado “Musharixiinta u taagan xilalka Madaxtinimo ee ka tirsan goleyaasha Dowlada iyo kuwa kalaba waxay yeelan doonaan istaafyo cayiman oo la siiyo tacriif u gaar ah oo lagu aqoonsado, xil gaar ah ayaana ka saaran dhowrista Amniga guud.”

Wasaaradda Amniga SSC-khaatumo, waxay sheegtay in Tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo u hoggaansami weyda go’aankaasi, waxaana ay ugu baaqday guud ahaan Shacabka in ay la shaqeeyaan Ciidamada kala duwan ee Amniga Khaatumo.

PUNTLAND POST

The post Habraaca Amniga Shirka dhammaystirka SSC-khaatumo oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this