Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo xalay Raashin iyo Sahay ciidan xagga Cirka uga daadiyay Ciidamada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1752211166782.jpg?resize=1000%2C5

Puntland oo kaashanaysa dowladda Maraykanka ayaa xalay Sahay iyo Raashin dhinaca Cirka uga dejisay Ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan buuraha Calmiskaad gaar ahaanna Miraale iyo Baallade.

Qoraal ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku sheegay in dowlada Puntland oo kaashanaysa Maraykanka dhinaca cirka Raashin iyo agab kale uga dejisay Ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan buuraha Calmiskaad, halkaasi oo ay ka sifaynayaan firxadkii argagixisada Daacish.

“Dowladda Puntland waxay  caawa xagga Cirka Raashin iyo Agab ku gaarsiisay Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ku sugan buuralayda Calmiskaad, iyadoo arrintaasi ay fududeeyeen saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka” ayuu sheegay Hawwlgalka Calmiskaad.

“Sidoo kale Dowladda Maraykanka ayaa todobaadkan fulisay Duqeymo ay ku taageerayso hawlgalka, iyadoo beegsatay goobo ay ku dhuumanayeen firxadka Argagixisada Daacish” ayuu sii raaciyay qoraalka ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad.

PUNTLAND POST

The post Mareykanka oo xalay Raashin iyo Sahay ciidan xagga Cirka uga daadiyay Ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this