Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Pakistan ayaa sheegay in ay dileen 30 dagaalyahan oo isku dayay in ay ka gudbaan xadka Afghanistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Islamabad ayaa Hindiya ku eedaysay inay taageerto kooxaha weerarada ka geysta Pakistan, arrintaas oo India ay beenisay.
Ciidamada Pakistan ayaa sheegay in ay dileen 30 dagaalyahan oo isku dayay in ay ka soo gudbaan xadka Afgaanistaan, maalmo uun ka dib markii weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay isla gobolka lagu dilay 16 askari oo Pakistani ah.

Dagaalyahannada, kuwaas oo dhamaantood dhintay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, waxay ka tirsanaayeen Taliban Pakistan ama xulafadeeda, sida laga soo xigtay militariga Pakistan, kuwaas oo ku ammaanay ciidamadooda maanta oo Jimce ah.

Mid ka mid ah garabyada Taliban Pakistan, oo ah koox ka duwan Talibanka Afghanistan, ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax ismiidaamin ah oo todobaadkii hore ka dhacay degmada xuduuda ee Waqooyiga Waziristan ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa.

Dilka ciidamada Pakistan ee dagaalyahanada ayaa ka dhacay isla degmadaas.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa jimcihii ku amaanay ciidamada dalkiisa “in ay fashiliyeen isku day weerar gudaha ah”.

Hadalka ra’iisul wasaaraha iyo ciidamada labadaba waxay ku eedeeyeen Hindiya inay taageerto dagaalyahannadan.

Inkastoo India aysan weli ka hadlin eedeynta ugu dambeysay, waxay si isdaba joog ah u beenisay sheegashada Islamabad ee ah inay hurinayso rabshadaha gudaha Pakistan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this