Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamaas oo kala tashanaysa kooxaha Falastiiniyiinta xabbad joojinta Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegtay inay kala tashanayso dhinacyo kala duwan oo falastiiniyiin ah hindisahii ugu dambeeyay ee xabbad joojinta Gaza, iyadoo duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israa’iil ay ku hayso Gaza ay gashay bishii 22-aad.

Bayaan ay soo saartay Jimcihii, Xamaas waxay ku sheegtay inay wadahadal la gashay “hogaamiyeyaasha ciidamada Falastiiniyiinta iyo kooxaha ku hareeraysan soo jeedinta ay ka heshay” dalalka dhexdhexaadinta wadda.

Ilo ku dhow Xamaas ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in kooxdu ay raadsatay dammaanad ah in hindisaha cusub ee xabbad joojinta ee uu Maraykanku taageerto, waxa weli laga shaqaynayaa xabbad joojintan, ay horseedi doonto in la soo afjaro dagaalka Gaza oo aana loo oggolaan Israa’iil inay jebiso xabbad-joojintan oo aysan markale dib u bilaabin weerarradeeda, sidii kal hore.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo lagu wadaa inuu Isniinta la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu filayo jawaab ay Xamaas dhawaan ka bixin doonto haddii ay aqbali doonaan waxa uu ku tilmaamay “soo jeedinta ugu dambeysa” ee xabbad joojinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this